|

Galmudug oo Lagu Soo Rogay Xaalada Deg Dega Si Amaanka Wax Looga Qabto

Gaalkacyo(MMedia) Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay deegaano ka tirsan Maamulkaasi. 

Max’ed Axmed Caalim, Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo maanta Magaalada Gaalkacyo kula hadlayay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwooda ku abtirsada Maamulka Galmudug ayaa waxa uu si kulul uga hadlay xaaladda nabad galyo ee deegaanada Maamulkaasi. 

Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaanada Maamulka Galmudug uu kusoo rogay xaalad deg deg ah taasi oo uu ku tilmaamay in la sugo ammaanka guud ee deega ammaanka gobolada Maamulka Galmudug. 

Arintaani ayaa waxa ay imaanaysaa, iyadoo todobaadyadii u dambeeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug a ka dhacayeen falal isugu jira dil, dhac, boob iyo afduub loo gaysnayo dadka ajinabiga ah ee ku sugan Magaaladaasi.

Maakhir Media Gaalkacyo

Comments are closed