|

Madaxweynaha Ismaamulak Itoobiya oo Casho sharaf u Sameeyay R/wasaare kuxigeenka Soomaaliya

Adis Ababa(MMedia) Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday DKM ah ee Soomaaliya uuna hogaaminayey R/wasaare ku xigeenka; ahna Wasiirka Gaashaandhiga, Mudane Xuseen Carab Ciise. Kulankan oo Madaxweynaha DDS uu casho sharaf ugu sameeyay wafdiga ka socday DKM ee Soomaaliya, isla markaana ka dhacay hoteelka Hilton ee magaalada Addis Ababa, ayaa lagaga wada hadlay arrimo ku saabsan danaha labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo sidii ay labada dawladood iskaashi u yeelan lahaayeen.

 

Wafdiga DKM ee Soomaaliya oo kulankii caawa kahor la soo kulmay saraakiisha wasaarada Gaashaandhiga ee Itoobiya, ayaa waxaa Wasiirka G/Dhiga ku weheliyay, safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa, Siciid Yuusuf Nuur, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, General C/qani Sheekh Cali Diini, Kornayl C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Dr. Cismaan Maxamuud. Dhanka kale, waxaa Madaxweynaha DDS iyana weheliyay, M/weyne ku xigeenka DDS, Mudane Axmed Deeq Maxamed iyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Guray.

Maakhir Media Adis Ababa 

Comments are closed