Tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo Dib Loo Dhigay
Hargaysa(MMedia) Wasiirka oo Shir jaraa’id maanta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in sababta ay Ciyaaraha dib ugu dhigeen ay tahay iyada oo aanay weli dhamaan hawlihii ay ugu talo galeen qabashada Ciyaaraha Gobolada Dalka ee lagu wado in ay ka dhacaan Magaalo Madaxda labaad ee Dalka ee Burco.
Waxaanu yidhi “waxaan idiinku yeedhay inaan warbixin idinkasiiyo qabashada ciyaaraha iyadoo ay meel fiican noo marayso Guud ahaan gobalada dalka diyaar garawgii sifiican buu uga socdaa boqolkiba boqlbay gobal walba ay hawshiisu uga socotaa Gobalkii martida loo ahaanaa wax walba way u diyaarsanyihiin garoomadii agabkii kale iyo meelihii martida hawshuna meelfiicanbay noo maraysaa ka wasaarad ahaanwaxaan kaliya oo aan idin sheegayaa sida aad horaba u,ogaydeen inay todoba gobal ciyaaraan dalka waxaasoo kordhay gobal sideedaa oo, aanu u eegnay tirade waxaanu gudi ahaan isla garanay inaanu ciyaarsiino lixdaa gobal ee hadhay waananu ciyaarsiinay waxaana ciyaaro loogu qabtay magaalada hargaysa waxaana ku guulaystay Gobalka Hawd bari.waxaanu saaka ogaysiinaynaa inay sedeed gobalwada ciyaaridonaan tartanka gobalda Somaliland
Wasiirka Ciyaaraha ayaa sheegay in ay ku gudo jiraan Qaban qaabada Ciyaaraha Gobolada Dalku sidii ay si wanaagsan ugu dhici lahaayeen, isla markaana sida ugu wanaagsan ugu qabsoomi lahaayeen.
Cabdi Siciid Faahiye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Badhasaabada Gobolada ay Ciyaartoydoodu ka qayb galayaan amray in ay soo Ambabixiyaan Ciyaartoydooda mudda ka hadhay.
Maakhir Media Hargaysa
