Dagaalkii Rako oo Inuu soo Rogaal Celiyo Laga Cabsi Qabo
Rako(MMedia) Xiisad colaadeed ayaa weli ka aloosan deegaano hoos taga degmada Rako oo beryihii u danbeeyey ay ka dheceen dagaalo labo beelood u dhexeeya kuwaas oo ay dad badani ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.
Cabdilaahi Faarax Maxamed oo kamida odayaasha degmada Rako islamarkaana horay usoo ahaan jirey Taliyihii ciidamada Booliska ee degmadaas oo Horseed Media saacado ka hor u waramay isaga oo Rako ku sugan ayaa sheegay in xaalad kacsanaan ah gudaha degmada laga dareemayo.
Wuxuuna sheegay in saan saan colaadeed oo baaxad lihi ay degmada Rako iyo miyigeedaba ka aloosan tahay isagoo dhinaca kale tilmaamay in la fili karo dagaalo kuwii hore ka culus oo dib u qarxa maadaama ay jiraan hub uruursi xoogan oo ay labada dhinac wadaan iyo weliba ciidamo dowlada kasoo goostay oo labada dhinac ku kala biiray.
Taliyihii hore ee ciidamada Booliska degmada Rako Cabdilaahi Faarax Maxamed ayaa dhinaca kale baaq ku aadan wax ka qabashada xiisadaha colaadeed ee bariga gobolka Karkaar ka aloosan usoo jeediyey dowlada iyo bulshada kuwaada waxgardka ah.
Wuxuuna sheegay in xaaladu u muuqato mid faraha ka bixi doonta hadii xiligan aan wax ka qabashadeeda dadaal dheeri ah lagu bixin , si looga hortago dagaalo mar kale dib u qarxana loo baahan yahay in waxgaradka iyo dowlada Puntland ay arintaas aad ugu soo gurmadaan.
Si kastaba ha ahaatee dagaalada kasoo cusboonaaday bariga gobolka Karkaar ayaa ah kuwo la xiriira dagaalo daaqa iyo biyaha ka kacay oo dhowr todobaad ka hor miyiga degmada Rako ku dhex maray labo beedlood oo walaalo ah oo halkaas wada dega waxaana iska hor imaadyadii u danbeeyey ku dhintay dhowr iyo toban qof oo labada dhinac ka kala tirsan.
Source Horseed
Maakhir Media Network
