|

Sawir Qaadihii Somalichanel Tv ee Magaalada Garoowe oo Xabsiga Loo Taxaabay

Garoowe(MMedia) Dawlada Puntland ayaa xabsiga dhigtay Mahad Cabdi Cali oo katirsan TVga Somalichannel Qaybtiisa Garowe . 

Mahad Cabdi ayaa katirsanaa Shaqalaha TVga mana shaacin Dawlada ujeeda dhabtaa ee kadanbaysa xariga suxufigan balse horay ay Dawlada xanibaad dul dhigtay Somalichannel iyo Universal waxaana loo badinayaa xariga wariyaha in ay ka amardiideen qoraalka Dawlada ka soo saartay.

Dawlada Puntland mashaacin xariga wariyaha waxaasa laga soo xigtay xafiiska Somalichannel ee Garowe waxaana ay cadeeyeen in xabsiga loo taxaabay saxafigan katirsan xaruntooda.

TVga Somalichanal ayaa horay Dawlada u sheegtay in uu ka shaqeeyo bur burinta Puntland gacan saarna laleeyahay Alshabaab waxaana amarka Dawlada ka soo saartay kadib uu buun buuninayay wararka lidiga ku ah xukumada Puntland.

Maakhir Media Garoowe

Comments are closed