Saraakiil Ka Tirsan DKG oo Qarax Lala Beegsaday Degmada Dharkeenlay
Muqdisho(MMedia) Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo maanta lagu weeraray gaari uu watay taliye ku-xigeenka saldhigga booliiska galbeed ee degmada Dhakeynley, Dhamme Maxamed Qaasim C/raxmaan.
Weerarka miino ayaa wuxuu haleeyay gaarigii uu watay taliyaha daqiiqado kaddib markii uu kasoo baxay saldhigga galbeed, waxaana la sheegay in laba askari oo la socday taliye xigeen ay qaraxa ku dhaawacmeen.
“Qarax miino ayaa lala beegsaday gaarigii aan watay waana ka badbaaday,” ayuu u sheegay dhamme Maxamed Qaasim warbaahinta Muqdisho qaarkeed, kaasoo uu sheegay in la doonayay in lagu dilo balse uu ka badbaaday.
Taliye ku xigeenku wuxuu weerarka ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab, balse ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka miino oo ahaa mid lagu qariya wadada dhinaceeda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga lagu weeraray qaraxa ay waxyeelo gaartay iyadoo saddex qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen weerarkaas, mana jirto cid ku dhimatay sida ay saraakiisha booliiska iyo goobjoogayaasha rayidka ahi u sheegeen warbaahinta.
Ciidamo ka tirsan booliiska degmada Dharkeyley ayaa waxay baaritaano ka sameeyeen halka uu qaraxu ka dhacay, mase jito cid loo qabtay, waxaana weerarkan uu qayb ka noqonayaa qalalaase ka jira Muqdisho.
Maakhir Media Muqdisho
