|

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Oo Soo Gabogabeysay Hawlgalkii Qaybinta Marakaneecadda ee Gobalka Mudug

Mudug(MMedia) Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa soo gabogabaysay hawlgal lagu qaybinayay marakaneeco daweysan, Talaalka Jadeecadda, Kaniinka Gooryaan dilaha caruurta iyo Kaniinka biyo sifeeyaha (Aqua Tab) iyadoo laga qaybiyey Degmooyinka Galdogob, Jariiban, Xarfo iyo Tuulooyinka Degmooyinkaas hoostaga. Ololahan oo ahaa mid looga hortagay kaneecada maadaama lagu jiro xili roobaad.

Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa u dhabar adaygay inay dadkooda gaarsiiyaan Marakaneecada Daaweysan iyo adeegyada kale ee caafimaad ee lagama maarmaanka u ah bulshada si looga hortago inay cuduro ka dilaacaan xili roobaadka dayrta waxaana intii shaqada lagu jirey shaqaalaha ka horyimid caqabado uu roobku keenay sida gawaarida oo dhiiriga roobka ka gashay hadana uma aysan joojin oo waxay si guul ah ugu guulaysteen inay marakaneecada gaarsiiyaan dadkii loogu talagalay iyagoo si cadaalad ah ugu qaybinayay shacabka. Dhamaan bulshada ku nool deegaanada Wasaaradda Caafimaadku ka qaybisay Marakaneecadda ayaa si diiran usoo dhaweeyey shaqada baaxada leh ee ay wasaaradda caafimaadku ugu qaybinaysay marakaneecada daaweysan iyo adeegyada kale ee la socday.

Deegaanada kaneecadu ku badan tahay waxaa ka mid ah Galdogob, Bursaalax, Xarfo, Balanbal, Qalaanqal, Malaasle, Sallax, Balibusle, Seemade iyo Jariiban oo ka tirsan Gobalka Mudug dhamaantoodna dadka ku nool deegaanadaasi way heleen marakaneecada daaweysan, Maamulada iyo waxgaradka deegaanadaas waxay ololahan ay wasaaraddu kula dagaalamayso kaneecada ku tilmaameen mid wax weyn ka taraya shacabka halista ugu jirey cudurka kaneecada isla markaasna ka fog Xarumaha caafimaadka iyadoo waxgaradka deegaanadaasi ay mahad balaaran u jeediyeen Madaxda wasaaradda caafimaadka iyo shaqaalaha Wasaaradda oo ku hawlan sidii ay bulshada uga dhigi lahaayeen bulsho caafimaad qabta.

Waftigan muddada labada todobaad ah qaybinayay marakaneecada waxaa hogaaminayay Madaxa qaybta la dagaalanka Cudurka Duumadda Dr. C/kariim Xuseen Xasan waxaana uu dhakhtarku shir jaraa’id oo uu ku qabtey Balibusle ku sheegay inay guul u tahay Wasaaradda Caafimaadka maadaama ay ku guulaysatey inay si siman oo cadaalad ah ay ugu qaybiso marakaneecada daaweysan bulshada ku dhaqan Degmooyinka Gobalka Mudug ee horey wasaaraddu ugu qorsheysay inay Kaneecada lagala dagaalamayo. Dr. C/kariim waxa uu sheegay inay bulshada degmooyinka Goldogob, Xarfo iyo Jariiban ay si wanaagsan usoo dhaweeyeen oo ay ula shaqeeyeen intii ay ku jireen shaqada lagula dagaalamayo kaneecada. 

Ololahan lagula dagaalamayo Cudurka Duumada (Malaria) waxaa iska kaashaday wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland iyo hay’adda UNICEF waxaana si toos ah sanadkan u fulisay wasaaradda caafimaadka iyadoo horey ay mashruucan u fulin jireen NGO-yo wadani ah kuwaas oo sanadkan laga wareejiyey kadib markii ay ku guuldaraysteen inay dadka gaarsiiyaan adeega lagula dagaalamayo kaneecada, Bulshada Degmooyinka Goldogob, Jariiban iyo Xarfo waxay sheegeen inay tahay markii ugu horeysay ee ay helaan Marakaneeco daaweysan iyo adeegyadii kale ee caafimaad ee lagula dagaalamayey kaneecada horeyna aysan usoo gaari jirin hadii ay NGO-yo bixin jireen. Shucuubta Degmooyinku waxay wasaaradda caafimaadka ka codsadeen inaysan wax danbe ugu soo dhiibin NGO-yada oo ay ku eedeeyeen inay musuqmaasuqaan wixii loogu dhiibo dadyowga dagan deegaanada laamiga ka leexsan ee gaari waaga loo yaqaano sidoo kale Dowladda Puntland ayay ka codsadeen shacabku inay toos u fuliyaan mashaariicda oo aysan ugu soo dhiibin NGO-yada.

Ololahan marakaneecada lagu qaybinayay waxaa ka horeeyey buufin lagu sameynayay guryaha si kaneecadu u dabar go’do ama ay u yaraato waxaana horey looga buufiyey kaneecada Goldogob, Bursaalax iyo Xarfo. Wasaaradda Caafimaadku waxay qorsheynaysaa inay si adag ula dagaalanto cudurka duumada oo waxyeelo ku haya shacabka waxaana ku xiga qorshahan Mudug ka qabsoomey in la gudo galo sidii gobalada kalena loogala dagaalami lahaa Kaneecada.

Source allpuntland

 

Comments are closed