|

Dowlada Kenya oo sheegtay inaysan mas’uul ka ahayn gantaallo xalay ku dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

Nairobi(MMedia) Dowladda Kenya ayaa sheegay inaysan iyadu ka dambeyn gantaallo xalay ku dhacay degmada Afgooye iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose oo ay awood badan ku leedahay Al-shabaab.

Afhayeenka milateriga Kenya, Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in iyagu aysan ka dambeyn gantaallo qaraxyo culus ay ka dhasheen oo xalay laga maqlay degmada Afgooye oo ku jira liiska magaalooyinka ay Kenya sheegtay inay duqeynayso.

“Kenya ma’suul kama ah qaraxyadii ka dhacay Afgooye, xilliga ay qaraxyadu dhacayeen waxaa socday shir ay leeyihiin saraakiisha sarsare ee Al-shabaab,” ayuu yiri Major. Chirchir.

Qaraxyo waaweyn oo aan illaa hadda la ogeyn cidda sida rasmiga ah uga dambeysa ayaa xalay laga maqlay degmada Afgooye iyo deegaanno kale oo ay ka mid yihiin: Muuri, Laanta-buuro iyo KM-50 oo gabi ahaan ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Xabiibo Nuur oo ka mid ah dadka ku nool degmada Afgooye oo 30-km koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay xalay maqashay afar qarax oo waaweyn, kuwaasoo mid ka mid ah uu ka dhacay galbeedka degmada Afgooye.

Sidoo kale, Cali Sheekh Muxyadiin oo isaguna ka mid ah dadka daggan Afgooye ayaa u sheegay warbaahinta in qarax weyn uu ku dhacay meel ku dhow saldhig ay Al-shabaab ku leedahay degmada Afgooye.

Xukuumadda Kenya ayaa waxay ciidammo fara badan u dirtay Soomaaliya bishii hore si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeysay inay falal isugu jira afduub iyo dilal xad-ka-tallow ah ay ka geystay dalkooda.

Mas’uuliyiinta Al-shabaab ayaan weli hadal rasmi ah kasoo saarin qaraxyadaas la maqlay xalay, iyadoo degmada Afgooye ay ka mid tahay 10-degmo oo Kenya ay u calaamadeysay inay hawada ka duqeynayso.

Maakhir Media kenya

Comments are closed