Ciidamada DKMG, Kenya iyo Al Shabab oo ku dagaalamay Jubbooyinka
Muqdisho(MMedia) Dagaal xoogan oo qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda KMG iyo Kenya oo dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab waxaa uu ku dhexmaray qeybo ka mid ah Jubbooyinka.
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Milatariga Kenya oo kasoo anababaxay degmada Dhooblay ee gobolka Jubbadda hoose kuna sii jeeday deegaanada Qooqaani, Haawina iyo Taabto ayaa waxaa dhexda u galay oo dagaal culus ku qaaday ciidamo ka tirsan Al Shabaab.
Labada dhinac ayaa weerarkaasi kadib waxaa dhexmaray dagaal xoogan oo sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa waxaa ku geeriyooday labo ruux halka ku dhawaad 10-kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo sida la tibaaxay ahaa dhinacyada dagaalamay oo isku adeegsaday hub iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi balse dowladda Kenya ayaa waxa ay ugu digtay Ciidamada Milatariga Kenya in weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay kala kulmaan Al Shabaab xilliyada ay marayaan deegaanada gobolka Jubbada hoose
Maakhir Media Muqdisho
