Afhayeenka Madaxtooyada S/land oo Soo Dhaweeyey Go,aankii Golaha Baarlamaanka Iftiimiyayna Waxa Xukuumadiisu Rabto
Hargaysa(MMedia) Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in xukuumaddu ay taageersan tahay in talaabo kasta oo dhiiri gelinaysa in doorashada Goleyaasha deegaanku dalka ka qabsoonto.
Afhayeenku wuxuu si taxadar leh uga hadlay mowqifka xukuumadda uu ka tirsan yahay ka taagan tahay laalistii diiwaangelintii codbixiyeyaasha. Sidaasna waxa uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaxtooyadda.
Afhayeenka oo ka hadlayay siyaasada xukuumada ee ku wajahan go’aankii golaha wakiiladdu ku laaleen diiwaan gelintii wuxuu yidhi “Siyaasadda xukuumadduna iyada oo cad waxa weeyi in aanay doorashadda golayaasha deegaanadu wakhtigoodii dhaafin, inay doorashadda golayaasha deegaanku qabsoonto. waayo haddii ay doorashadda deegaanku dib u dhacdo waxa ay riixaysaa doorashadii golaha wakiiladda oo waxay riixaysaa doorashadii guurtida oo waxay riixaysaa doorashadii Madaxweynaha, markaas ayaa waxa inagu dhacaysa sidii dhacday wakhtigii xukuumadii hore ee dhawrka jeer loo kordhiyey in Madaxwaynaha dhawr goor loo kordhiyo oo Golaha Wakiiladda dhawr goor loo kordhiyo oo Golayaasha deegaanaduna oo ay xadkaba ka baxaan.”
“Madaxwaynaha Somaliland iyo xukuumadda uu hogaaminayaa waxay siyaasad cad ka leeyihiin qabsoomida doorashooyinka golayaasha qaranka oo ay waliba wakhtigoodii ku dhacaan, waxaananu ku adag nahay in doorashooyinkii wakhtigoodii dhacaan,”ayuu yidhi Mr. Cukuse.
“Xukuumaddu waxa ay jeceshay in doorashadda golayaasha deegaanka in lagu galo diwaangalintii diyaarka ahayd ee taalay oo waliba wakhtigeeda ay dhacdo, hadii la waayo oo golaha wakiilada ama guurtideenu dan u moodaan inay doorashadiina wakhtigeedii dhacdo diwaangalin la’aana lagu galo anagu xukuumad ahaan waxba kama qabno,”ayuu yidhi afhayeenku.
Cukuse oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Danta ugu wayn ee xukuumadu leedahay waa in doorashadda golayaasha deegaanku ay wakhtigeedii ku dhacdo, waxa kaliya ee ay xukuumadu diidan tahay waxa weeyi in la yidhaahdo imika diwaangalin cusub ha la bilaabo oo doorashadda deegaanku wakhtigeedii dib ha uga dhacdo, sidaa awgeed haddii dayaxa la waayo xidigaha ayaa lagu gudayaa, Hadii golaha wakiiladu u arkay in diwaangalintii hore khaladaad ku jiro oo madmadaw ku jiro taasi waa mid ay xaq u leeyihiin.”
Maakhir Media Hargaysa
