Madaxweyne Shariif oo Ku Sii Jeeda dalka Kenya
Muqdisho(MMedia) Wasaarada arrimaha dibada ee Kenya ayaa maanta shaacisay in madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiekh Axmed uu imaan doono Kenya , goor dhow, balse lama shaacin wakhtiga rasmiga ah ee la sugayo.
Lindsay Kiptiness, oo ah ku xigeenka agaasimaha wasaaradda arrimaha dibada ee Kenya oo la hadlayay, saxaafadda ayaa tilmaamay in laga gudbay khilaafkii u dhexeeyay Kenya iyo madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo ka dhashay galitaankii ciidamada Kenya.
Waxaana uu sheegay in madaxweyne Shariif uu booqasho ku tagay dalka Uganda, markaas oo dawladda Uganda ay ku qancisay inuu ka noqdo mawqifkiisa.
Kiptiness oo wax laga waydiiyay, sababaha dhaliyay mawqifkii madaxweyne Shariif uu ku diiday galitaanka Soomaaliya ayuu ku jawaabay “Isaga iyo Alshabaab waxay horay uga wada tirsanaayeen midowgii maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana laga yaabaa in wali uu naxariis u hayo Alshabaab”.
masuulkan ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen masuuliyiin kale oo ay kamid yihiin afhayeenka booliska Kenya Eric Kiraithe iyo Colonel Cyrus Oguna oo kamid ah saraakiisha ugu sarreysa ciidamada qalabka sida ayaa hadalkan jeediyay mar ay shir jaraa’id ku qabteen aqalka wasaaradda arrimaha dibada ee Kenya oo ay kaga hadlayeen halka uu marayo hawlgalka ay ka wadaan Soomaaliya.
Waxaana Eric Kiraithe oo ah afhayeenka booliska uu sheegay in 30 qof oo horay ugu tirsanaa Alshabaab ay isu soo dhiibeen booliska Kenya, isla markaana ay bixiyeen macluumaad dhammaystiran oo curyaaminaya hawlgaladii ay Alshabaab ka fulin lahayd Kenya.
Colonel Cyrus Oguna oo kamid ah saraakiisha ugu sarreysa ciidamada qalabka sida ee Kenya ayaa isna tilmaamay in ciidamadoodu ay guulo ka soo hooyiyeen dagaaladii ay kula galeen xarakada Alshabaab koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay in dhankooda ilaa hadda ay kaga dhinteen dagaalka 5 askari, halka Alshabaabna ay ka dileen boqollaal sida hadalka uu u dhigay.
Booqashada la filayo in Kenya uu ku yimaado madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiekh Axmed ayaa haddii ay dhacdo meesha ka saaraysa xurguftii dhexmartay isaga iyo dawlada Kenya oo ciidamadeedu ay hawlgalo ka wadaan gobolada jubooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Maakhir Media Muqdisho
