Kalfadhigii Baarlamaanka P/land oo Furmay
Garoowe(MMedia) Kaldhifadhiga Baarlamaanka oo ah kii 27-aad ee ay yeeshaan tan iyo intii Puntland la asaasay sanadkii 1998-dii ayaa ajendayaasha looga doodayo waxaa ugu muhiimsan jaangoynta Miisaaniyada dowlada, Sharciga guddiga doorashooyinka Puntland, iyo weliba arimo kale oo ay sugidda ammaankuna qayb ka tahay.
Mudanayaasha Baarlamaanka oo maanta fadhigii ay yeesheen uu ahaa mid jewi degen kusoo idlaaday ayaa waxay ka doodayeen sharci ku saabsan gudniinka Fircooniga ah oo ay si wada jir ah usoo saareen Wasaaradaha haweenka iyo Caddaalada ee Puntland.
Sharcigan oo horay loo soo marsiiyey Golaha Wasiirada islamarkaasna ay usoo ansixiyeen ayaa la filayaa in Baarlamaankuna ay go’aan ka gaaraan kadib marka ay soo idlaato dooda qodobkaas ku aadan oo dhowr beri lagu wado in ay socoto.
Baarlamaanka Puntland oo sanad walba labo jeer kulma ayaa Kalfahdigan diirada ku saari doona arimo badan, waxaana looga fadhiyaa ansixinta shuruuc dhowr ah oo horyaala kuwaas oo aan ilaa iyo hada aan dhaqan gelin.
Maakhir Media Garoowe
