Xiisado Dagaal oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Jubada Hoose
Muqdisho(MMedia) Xiisado dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helya kuwa Kenya iyo Al Shabaab ayaa waxa ay ka taagan yihiin deegaano ka tirsan Jubada hoose.
Magaalooyinka Kismaayo, Afmadoow, Dhooblay Qooqaani, Taabta iyo Haawina oo dhamaantooda ka tirsan gobolka J/hoose ayaa saaka wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo waxa ay sheegayaan in dhaqdhaqaayo ciidan iyo xiisado colaadeed oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG oo gacan ka helya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab laga dareemayaa deegaanadaasi.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo wata gadiid dagaal oo ah nooca gaashaaman iyo ciidamo badan ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan deegaanada Qooqaani, Taabta, Dhooblay iyo Haawina , iyadoo Al Shabaab ay iyana dhaqdhaqaaqyo ka wadaan magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadoow ee gobolka Jubada hoose.
Diyaarado dagaal oo ah nooca qumaatiga u kaca ee Elecobtariska oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa la tilmaamay inay dul heehaabayeen hawada deegaano ka mid ah Jubada hoose oo gacan ku heynteeda ay isku hayaan dhinacyadaasi
Dhinaca kale ciidamo badan oo ka mid ah Milatariga Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa lasoo buuxdhaafiyay xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya kuwaasi oo la tilmaamay inay qeyb ka yihiin dhaqdhaqaaqyada ciidan ee u dhexeeya ciidamada dowladda Kenya iyo Al Shabaab.
Tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya bishii October ee lasoo dhaafay waxaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo sii xoogeysanayey ay ka jireen degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.
Maakhir Media Muqdisho
