Afhayeenka Isimada P/land oo Maamulka S/land Ku eedeeyay Inay Colaad Ka Huriayaan Ceerigaabo
Garoowe(MMedia) Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo ka hadley Dagaalkii Ceerigaabo ayaa Maamulka Hargeysa ku eedeeyey iney hurinayaan Colaad hor leh, ka dib markii Ciidankoodu uu qaybwayn ka qaatey dagaal beeleedkii ka dhacey Deegaankaas, afhayeenka oo la hadley Radio Garowe wuxu sheegey in Ciidamada Maamulka Hargeysa ay shacabka u adeegsadeen hub culis.
Garaad Cabdullahi wuxuu kaloo sheegey in ay socdaan dadaalo ay wadaan dhamaan cuqaasha Gobolka ,dadaaladaas oo ah kuwo nabadeed.
Dowlada Puntland ayaa horey ugu digtey Maamulka Hargeyso kuna amartey iney faraha kala baxaan abuurida colaada qabiilada wada dega gobolka
Maakhir Media Garoowe
