|

Nabadeyntii Ceerigaabo oo Wajigii Labaad Gashay iyo Siyaasi Cali Baashe oo Ka Hadlay

Ceerigaabo(MMedia) Beelaha Dhulbahante iyo H/yoonis ayaa qaatay Nabad inay kuwada noolaadaan Maagalada Ceerigaabo ka dib markii Maalmihii ugu danbeeyay kala dileen Saraakiil iyo shacaba waxaanay dilala kani ahaayeen aanooyin in mudo ah soo socday

Waxayse arintu circa isku sii shareertay markii dagaal uu dhexmaray Ciidamda Somaliland iyo kuwa Beesha dhulbahante iska horimaad kaas oo sababay ka dib markii ay weerar lala beegsaday Wasiir Xaabsade iyo Taliyaha Asluubta Somaliland oo kazoo jeeda Isla Beesha dhulbahante  waxaanuu iska horimaadkaasi dhaliyay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba

Hadaba shaqaaqooyinkaa ka dib waxa xurguftaas isu taagay siday cadaadu ahaan jirtay Beelha Warsengeli iyo H/jeclo si ay u dhexdhexaadiyaan Beelaha walaaha ah ee Shaydaanku ka Faaiidaysaty waxaanay soo jeediyeen in qolo walba gaarkeeda ula kulmaan iyagoo goobjoog ka ahaa waftigii Hargaysa ka yimi waxaanay qoloba ku khasbeen inay nabada qaataan waanay ka aqbaleen labadii Beeloodba waxaana sidii loo dhamayn lahaa Howshooda iminka Gacanta ku haya Beelaha dhexdhexaadka ka ah Xurgufta

Cali Baashe oo ka mida Siyaasiyiinta Beesha Koonfurta ceerigaabo oo ka hadlay madashii beeshiisu ku gudoonsanaysay Nabada ka sheegay inuu ka yimi Nairobi si uu uga qayb galo nabadaynta waxaanu ku baraarujiyay Beelihii xurguftu dhexmartay inaanay jirin cid isaga dhowq iyaga madaama ay yihiin wiil iyo abtigii iyo weliba isku dan deegaan waxaanu u raaciyay Beeshiisa inuu meel kasta tegay wax u dhaaman dereskoodana aanu soo arag isagoo u iftiiminaya waxa ka jira Maamualda uu kazoo qayb galay

Dhinaca kale waxa uu u duurxulay Waftigii ka yimi Hargaysa inay u diyaar garoobaan in laysugu imanayo Kuraasta madaama in mudo ah laga maqnaa laakiin iminka laysu soo jeestay waxaanu ugu danbayntii ku kula dardaarmay Beelihii Dirirray inay isa saamaxaan wixii dhibaabo ah ee kala  gaarayna iyagu dhamaystaan siday caadadu ahaan jirtay waxanay halkaa Beesha dhulbahante kasoo jeediyeen inay nabad diyaar u yihiin Gobolkana dani ugu jirto wixii ay tabanayaan ay ka hadlayaan

Waftiga Hargaysa ka yimi ayaa aad ugu mahadnaqay Beelihii xilka iska saaray inay kala dhexgalaan Beelahaas walaalaha ah waxaanay Waftigu sheegay inay dhex ka noqnayaan wadahadalada lagu dhamaynayo shaqaaqada waxaanay u sheegeen inaanay ka hadhi doonin gacan ku dhiiglayaashii dadka laayay dhinacay doonaan ha noqdeene

Nabadayntan ayaa gashay wajigii labaad ee la isku soo horfadhiisinayay Beelaha Xurguftu dhexmartay iyadoo qolo walba laga dhaariyay 50 Oday waxaana loo guda geli doonaa qaabkii loo dhamayn lahaa sida ugu haboon ee ay ku kala dhamaanayaan Beelahani

Magaalada Ceerigaabo ayaa hada xasiloon waxaana gaaf wareegaya Ciidamo ka Socda Somaliland kuwaasoo amaanka Magaalada gacanta ku haya waxaanay mamnuuceen in wax huba lagu dhexwato Magaalada gudaheeda waxa kale oo ay habeenkii sameeyeen bandoo xiliyada danbe waxaaya rondo ku maraan Xaafadaha Magaalada

Cali Ducaale

Maakhir Media Ceerigaabo

 

Comments are closed