|

dhalaanka soomaaliyeed ee Ku Nool Yaman oo Loo Tahriibiyo Sucuudiga Si Looga Ganacsado

London(MMedia) Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa waxa ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay caruur Soomaaliyeed oo qaab ganacsi ahaan loogu tahriibanayay dalka Sacuudiga.

 

Isagoo waraysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee FOA Qunsul ku xigeenka Soomaaliya ee Yemen Xuseen Xaaji Axmed ayaa waxa uu sheegay inay soo badaneyso tahriibka caruurta Soomaalida ee laga wado gudaha dalalka Soomaaliya iyo Yemen kuwaasi oo uu sheegay inay tahriibanayaan shaqsiyaad uusan shaacin magacyadooda.

 

Qunsulka ayaa waxa uu sheegay in lasoo qab qabtay ilaa 50-caruur Soomaaliyeed ah oo midka ugu weyn uu jiro 16-sano  halka kan ugu yar ay da’diisu tahay 2-sano kuwaasi oo uu sheegay inay wadaan dad aan shaqo ku laheyn oo uu tilmaamay in qaab ganacsi ahaan loo tahriibiyo.

 

Xuseen Xaaji Axmed ayaa sidoo kale sheegay in siyaabo kala duwan loo adeegsanayo caruurta aadka u da’yar, isagoo dhinaca kale sheegay inta u dhaxeysa dalalka Yemen iyo Sacuudiga in lagu arkay dad Soomaaliyeed oo xubno ka mid ah jirkooda lagala baxay kuwaasi oo ay suurta gal tahay sida uu sheegay in la adoonsanayay ama si ganacsi ahaan lagala baxay xubnaha jirkooda.

 

Dalalka Yemen iyo Sacuudiga ayaa waxa ay ka mid yihiin meelaha ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ee ka tahriibaya Soomaaliya iyadoo arintaani ay noqoneyso mid ku cusub dhagaha dadka shacabka ah.  Si aad u Dhagaysato Uurximada Haysata Ubadka soomaaliyeed Halkan Guji

Maakhir Media London

 

Comments are closed