|

Saddexda Xisbi ee Somaliland oo Aragtiyo Kala Fog Ka Bixiyay Laalista Diiwaangelinta

Hargaysa(MMedia) Xisbiyada  Somaliland ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay go’aankii golaha wakiilladu maanta ku laalay diwaangelintii codbixiyayaasha, kuna meel mariyay in doorashada soo socota ee golayaasha deegaanka lagu lago diwaan gelin la’aan.

Ku simaha guddoomiyaha xisbiga UDUB ahna guddoomiye ku xigeenka xisbigaas Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo Saxaafadu  wax ka waydiisay mawqifka xisbigooda ee arrintan ku wajahan, ayaa go’aanka golaha wakiillada ku tilmaamay mid loo baahnaa, waxaanu yidhi “Golaha wakiilladu way ku mahad san yihiin, laakiin waxaa looga baahan yahay maadaama oo ay xeerkii laaleen, xeerkii bedelayay waa in ay habeeyaan. haddii ay u codeeyeen hadda diwaan gelin ha lagu galo, taa mid ayaa u barbar taala oo ah sidii loo xakamayn lahaa ku noqnoqoshada waa in laga fekeraa qaab lagu xakamaynayo, sidaas ayaanu qabnaa anagu.”

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ku tilmaamay diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada ee golaha wakiilladu laalay in ay ahayd wax dhintay, isla markaana loo baahan yahay in la helo diwaan gelin xalaal ah oo ay ku tartamaan xisbiyada qaranku, xisbigooda UDUB-na uu diyaar u yahay xataa haddii doorashada madaxtooyadu dib u dhacayso in ay sugaan inta laga helayo wax xalaal ah.

“Anagu waxaanu qabnaa in doorashadani ay ka culustahay doorashooyinkii hore, haddana waa la samaynayaa diwaan gelin oo waa kuwa goluhu yidhi doorashada wakiillada lama gelayo diwaan gelin la’aan. Laakiin anagu waxaanu qabnaa xitaa haddii ay doorashada madaxtooyadu dib u dhacayso in la helo wax xalaal ah, anagu waxaanu diidanayn uun in diwaan gelintii hore ee dhimatay la soo qaato, tallaabadanna waan ku hambalyaynayaa golaha wakiillada, xalkii kale ee la gaadhayana waa arrin u talaa qaranka.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu intaa raaciyay “Xeerkan la laalay waa xeerkii No. 37, waa xeerkii diwaangelinta oo maanta (Shalay) mooshin lagu laalay, hore ayayna u eekayd in la laalo. Haddii dib loo noqdo diwaan gilinta waxaanu bilawnay sannadkii 2008-dii, dabadeedna waxaa dhacay qaraxii madaxtooyada Somaliland, halkaa waxaa ka dhacay hakad, oo bil ayaa hakad ku dhacay, taasina waxay galaafatay nimankii khubarada ahaa ee Hindida ahaa ee hawsha waday ay dalka ka baxaan oo aanay dib u soo noqon. Diwaangelintaasi maalintaa la unkay markii ay soo baxday khaladaad badan ayaa lagu arkay, dabadeedna waxaa loo yeedhay laba haayadood oo kala duwan, waxaa la ismu raacay in diwaan gelintaasi dhimatay, Koomiishankii wakhtigaas jirayna wuu aqbalay oo wuu la qaatay in ay dhimatay. Waa tii hay’addii Inter peace laga saaray dalka maadaama oo ay fashilantay hawshii way wadeen.Waxaa dhacday markaa, maamulkayagii wakhtigaas talada hayay waxaa la saaray cadaadis weyn Sidii Inter Peace loo soo celin lahaa, taasina waxay keentay in Koomiishankii hore meesha ka baxo oo komishan cusub la magacaabo. Dabadeeto anaga ka fikirayna danta umada ayaanu ogolaanay in aanu diwaan gelintaa xaaraanta ah ku galno doorashada, natiijadii soo baxdayna waataanu duuduub ku qaadanay. Arrintaas ayaa soo socotay, maanta ayay timi doorashadii labaad, waanay ku mahad sanyihiin golaha wakiilladu in ay laalaan, sababta oo ah wax dhintay waa wax dhintay.”

Dhinaca kale xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE mudane Xasan Siciid Yuusuf oo aanu isagana wax ka waydiinay mawqifka xisbigooda ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aankan golaha wakiillada, waxaanu sheegay in go’aanka xisbigiisa ee arrintan ku wajahani uu yahay in doorashada golaha deegaanka lagu galo diwaangelintii codbixiyayaasha ee hore loogu galay doorashadii madaxtooyada, waxaanu yidhi “Anaga mowqifkayagu waxa weeye ma waafaqsanin in la laalo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha waanan ka soo horjeednaa, in diiwaan gelin cusub la sameeyana waanu ka soo horjeednaa. Go’aankayagu waxa weeye in diiwaangelintii hore ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada lagu galo doorashadan Goleyaasha deegaanka.”
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay in xisbi ahaan  mowqifkooda u gudbiyeen  Komishanka doorashooyinka qaranka  iyo Madaxweynahaba ka hor intii aanay Wakiiladdu ansixin go’aankoodan.
“Anagu waxaanu aaminsan nahay inaan diiwaangelintii la laalin ee doorashada golaha deegaanka lagu galo, diiwaan gelintii la laalay waxay ka dhigan tahay in la lumiyay xuquuqdii codbixiyeyaasha iyo tartameyaashaba waxa kale oo ay wax u dhimaysaa hanaankii dimuqraadiyada,”ayuu yidhi Md. Xasan Siciid Yuusuf.

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyay go’aanka golaha wakiilladu gaadhay, waxaanu ku tilmaamay mid qayrul sharci ah oo aan waafaqsanayn shuruucda dalka, sida uu ku sheegay waraysi uu caawa siiyay Horn Cable TV

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed