Guddoonka Baarlamaanka oo codsay in la soo cadeeyo dilkii mudane ka tirsan Baarlamaanka
Muqdisho(MMedia) Guddoonka Baarlaamaka Soomaaliya ayaa ka coday hay’addaha ammaanka dowladda Soomaaliya in ay soo cadeeyaan dilkii shalay loo gesytay mudane ka tirsan Baarlaanka Soomaaliya iyo sababaha keenay arrintaasi.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Axmed Dhibil Rooble oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in aysan marna howllahooda aysa u joojin doonin dilalka iyo dhibaatooyinka lagu hayo xildhibaannada Baarlamaanka, hasa ahaatee waxa uu xusay in la doonayo in hay’adda amniga ay soo cadeeyaan dilkii mudane ka tirsan Baarlaanka loogu geystay magaalada Muqdisho.
Mudane Axmed Dhinbil Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatada dalka ka jirta ay la wadaagayaan ummada Soomaaliyeed islamarkaana ay u dhabar adeegayaan waajibaadka qaran ee saaran Baarlanaamka.
Waxa uu tilmaamay in hay’addaha ammaanka laga doonayo in baarintaanno dheeraad ah ay ku sameeyaan sababaha ka danbeeyay dilkii Allaha u naxariistee Muqdisho loogu gesytay xildhibaanka ka tirsan Baarlaanka Soomaaliya.
Ugu danbentii ayuu ugu baaqay dhammaan hay’addaha amniga qaabilsan in ay xoojiyaan dar dargalinta howl gallada ammaanka lagu adkeenayo si ay meesha ugu baxdo qal qalka dhanka amniga ah.
Maakhir Media Muqdisho
