|

Madaxweynaha Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Uganda+Sawiro

Muqdisho(MMedia) Madaxweynaha Jamhuuryadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Uganda oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Wafdigan ka socday dowladda Uganda oo uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ee dalka Uganda Gen Jey Jey Down oo ay wehliyaan xubno ka tirsan baarlamanka dalkaasi ayaa waxa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne Shariif iyagoo u gudbiyay madaxweynaha farriin ay ka wadeen Madaxda dalkaasi.

Sidoo kale wafdigaasi ayaa kulan la qaatay R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab ciise waxeyna ka wada hadleen arimo badan oo ku sabsan xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda iyo amniga sida ay warbaahinta qaranka u sheegeen kulankooda kadib.

Wafdigan ka socday Uganda ayaa shalay soo gaaray dalka iyagoo kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada Amisom eek u sugan Muqdisho

Maakhir Media Muqdisho

Daawo Sawirada

Published on November 10, 2011 by Mowliid  ·   No Comments  ·   1,407 views

Comments are closed