Wasiirka Gaashaandhigga TFGda Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay+Sawiro
Muqdisho(MMedia) R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomalaiya Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib socdaal shaqo oo uu maalmihii ugu dambeeyay kusoo kala bixiyay wadanka Kenya iyo qeybo ka mid ah degmooyinka hoostaga Gobollada Jubbooyinka.
Wasiirka Difaaca ayaa waxaa gaaroonka diyaaradaha Aaden Cadde ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Maxamed Cali Catoosh, abbaanduulaha ciidanka Xoogga dalka General C/kariim Yuusuf Adan (Dhagabada) iyo Generaallo kale oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka.
Mudane Xuseen Carab Ciise markii uu ka soo degay garoonka ayuu warbaahinta qaranka wareysi kooban siiyay waxa uuna ka warbixiyay sida uu kusoo dhammaaday safarkiisa shaqo, isagoo tilmamay in uu si wanaagsan u soo gudtay howllihii uu u tagay deegannada Jubbooyinka gaar ahaan goobihii ay ciidamada Xoogga ka saareyn kooxda Al-Shabaab.
R/wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku howllanaa sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaaladda ciidamada qalabka sida ee habeen iyo maalin u taagan sidii ay meesha uga saari lahaayeen maleeshiyaadka kooxda Shbaab iyadoo kormeerkiisa uu ku tagay gobollada jubbooyinka ay qeyb ka tahay dadaallada uu ku dhiirogelinayo ciidamada qalabka sida gaar ahaan ciidamada Xoogga.
Maakhir Media Muqdisho
DAAWO SAWIRADA XAGA HOOSE









