|

Qaraxyo Ka Kala Dhacay Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo

Boosaaso(MMedia) Qarax wayn ayaa ka dhacay Badhtmaha Magaalada Boosaaso kazoo laga maqlayay dhamaan Xaafadaha Boosaaso waxaana dad ka agdhawaa sheegayaan in qaraxani ahaa kuwa remootka laga hago kaasoo la doonayay in lala eegto ka qaar mida Madaxda Dowlada

Qaraxan ayaa dhaliyay khasaare kooban waxana uu dhaawac kasoo garaay gabar deganayd guri ku dhawaa goobta qaraxu ka dhacay waxaana isla goobtaas soo gaaray Ciidamada booliska kuwaaso bilaabay baaritaan ay ku ogaanayaan cida ka danbaysay qaraxan

Dhinaca kale waxa qarax kaa la mida uu k dhacay Magaalda Gaalkacyo gaar ahaan Xaafada Garsoor ka dib markii qarax lala beegsaday Gudoomiye xigeenka Gobolka Mudug iyo Xildhibaano la socday w

Qaraxa ayaa waxa ka badbaaday Mid ka mid ah Xildhibaanada Puntland oo isna la socday kolonyada qaraxa lagu weeraray

Ciidamada Amaanka ayaa iyana bilaabay baaritaano waxana ay ku soo qab-qabteen ku dhawaad 20-dhalinyaro kuwaas oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen qaraxa, qaraxa ayaa laga maqlay xaafada Garsoor oo ah xaafad dagaallo horaantii sanadkan ku dhexmaray ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyo deeganka ah.

Ma jiro illaa hadda cid ka hadashay qaraxa saaka lala bartilmaameestay masuuliyiinta Maamulka Puntland.

Ma ahan markii ugu horreysay ee qarax lala bartilmaameesto masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Wixii wara ee kazoo kordha qaraxyadan dib ayaanu idinka soo sheegi

Maakhir Media Boosaaso

 

 

Comments are closed