|

Xaalada Magaalada Ceerigaabo oo Ka Soo Raynaysa

Ceerigaabo(MMedia) Magaalada Ceerigaabo ayaa xaaladeedu degan tahay ka dib shalay iska horimaad dhexmaray Ilaaladada Xaabsade iyo Xiirane oo garab ka helaya Ciidmada Somaliland iyo Ciidamo kazoo jeeda Beesha Dhulbahante waxaana halkaas ka dhacay Khasaare isugu jira Naf iyo Maalba

Odayaal  iyo Culima Awdiinka Magaalda ayaa shirar Goos Goos ah uga socda gudaha ceerigaabo kuwaasooo doonaya inay xakameeyaan inaan mar danbe magaalada dagaal ka dhicin waxaana wararka qaar sheegayaan in Fariin loo diray Suldaanka Beesha Warsengeli Suldaan Siciid Suldaan C/salaan si uu u qaboojiyo xiisada ka taagan Magaalada una kala dhexgalo Maleeshiyooyinkii shalay dagaalku ku dhemaray Ceerigaabo

Inkastoo ay adag tahay isla fahamka cida loo daba fariisanayo amaanka Magaalada ayaa hadana waxa muuqata in Ciidamo ka socda Somaliland ay gaaf wareegayaan daafaha Magaalada iyagoo doonaya inay ka hortagaan inay soo galaan  Ciidamo Gurmad ah oo taageerya Beesha Koonfurta Ceerigaabo waxaana Magaalada ka jira dhaq dhaqaaq wayn oo lagu soo afmeerayo Colaada

Dhinaca kale wufuudii ka socotay Somaliland ee isugu jiray Wasiirada ayaa kulamo gooni gooniya la leh Madax dhaqameedka Gobolka iyagoo kala xaajoonaya dhacdadii shalay dhacday iyo in la dhameeyo aanada u dhaxaysa Beelaha dhulbahante iyo H/yoonis taasoo keeni karta cawaaqib xumo.

Hadaba Gobolka Sanaag waa mid xaalada hada lagu jiro siyaasadiisu  tahay  xasaasi beelaha wada degaana aanay isku mowqifka ahayn halkay saldhiganayso siyaasada Gobolku waxaanay kuwada nool yihiin heshiis ay gaareen 1993 oo dhigayay in si nabad gelyo ah loo wada noolaado wixii dhexmarana iyagaa xaliya maaha mid uu Maamulo u dhameeyo madaama aan laysku raacsanay wax Maamula oo ka dhaxeeya.

Cali Ducaale

Maakhir Media Ceerigaabo

 

Comments are closed