Sidee Looga Ciiday Shalay Magaalada Hadaaftimo+Sawiro
Hadaaftimo(MMedia) Waxaa si wayn looga Ciiday Magaaladda Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ka gadaal markii Dadweyne gaaraya Kumanaan qof isugu soo bexeen Fagaaraha weyn ee Garoonka Magaaladda halkaasi oo ay Dadku soo buuxdhaafsheen si ay ugu Tukadaan Salaada ciida, Dadweynaha Goobta soo gaarayay ayaa isugu Hambalyaynayay CIID MUBAARAK,CIID MUBAARAK.
Intaasi ka dib ayaa waxaa la guda Galay Jeedinta Khudbadihii Salaada Ciida iyadoo ay halkaasi ka hadleen Culuma’udiin ay ka mid yihiin Sheikh Xuseen cabdi wadaad oo khudbad halkaasi ka jeediyey .
Isku soo wadda Duubo Munaasabadi Ciida ee Maanta laga Tukaday Magaaladda Hadaaftimo ayaa ahayd mid dadku ku soo dhamaysteen Jawi farxad iyo Raynrayn leh .
DAAWI SAWIRADA

Sheekh Xaaji Warsame

MIDIG:AL-XAAJI MOHAMED RAAGE IYO SULDAAN XASSAN CALI JIBRIIL

DHEXDA: SULDAAN SICIID SULDAAN CABDISALAAN



SULDAAN SICIID SULDAAN CABDISALAAN






Source: Hadaaftimo Media
