|

Dilal Qorshaysan ayaa Xalay Laga Fuliyay Koonfurta Gaalkacyo

Gaalkacyo(MMedia) Dableey hubeysan ayaa xalay  Koofurta magaalada Gaalkacyo waxa ay siyaabo kala duwan ugu dilay labo ruux oo rayid ah.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Koofurta magaalada Gaalkacyo kooxo hubeysan ayaa labo ruux oo rayid ahaa ku dilay  Koofurta magaaladaasi xili mudooyinkii dambe ay isasoo tarayeen dilalka qorsheysan ee halkaasi ka dhaca.

Labadaani ruux oo mid ka mid ah ay aheyd haweeney islamarkaana loo dilay siyaabo kala duwan ayaa dilkooda waxa uu ka dambeeyay kadib markii haweeneyda oo kooxo hubeysan ay usoo dhaceen gurigeeda ay dad u qeylo dhaamisay halka ninka kalana loo dilay Mobeelka gacanta oo laga dhacayay.

Kooxaha dilka gaystay ayaa markiiba la sheegay inay ka baxsadeen goobta ay dadka ku dileen iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ay gaareen halkaasi kuwaasi oo wada baaritaano ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilalkaasi.

Koofurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka taliyo Maamulka Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka jiray falal amni daro oo lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah taasi oo ilaa hada wax ka qabashadeeda aan lagu guulaysan.

Maakhir Media Gaalkacyo

Comments are closed