Arday Ka Qalin Jebisay Jaamacadda Banaadir Ee Magaalada Muqdisho+Sawiro
Muqdisho(MMedia) Munaasabad aad u ballaaran oo ay ku qalinjebinayeen arday dhamaysatay waxbarashada heer jaamacadeed ee jaamacadda Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabada qalinjebintan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uliyiinta jaamacada Banaadir, macalimiinta, waalidiinta ardayda qalinjebineysey iyo qaar ka mid ah bahda waxbarashada magaalada Muqdisho iyadoo ardayda qalinjebineysayna ay waxbarashadoodu ay isugu jirtey arday soo dhamaysatay kulliyada caafimaadka,kulliyada waxbarashada, kulliyada Injineeriyada iyo kulliyada culuunta Kombutarka.
Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha jaamacada Banaadir Prof Maxamed C/qadir Nur waxana uu ka hadlay qiimaha waxbarashada leedahay waxana uu ka codsaday ardaydii qalinjebisey in ay dadka Soomaaliyeed uga faa’ideyaan cilmigii ay soo barteen.
Sidoo kale waxaa munaasabadan ka hadlay hormuudka Jaamacada banaadir Maxamuud Maxamed Bidey waxana uu hormuudku ka warbixiyey qaababkii kala duwanaa ee ay soo martay kulliyada Banaadir isagoo ugu dambayntii ardayda ka qalin jebisey ugu baaqay in ay sii wataan waxbarashadooda oo aysan iska dhigin meel waxbarashada maadaama caalamka maalinba maalinta ka dambaysa uu soo baxayo cilmi cusub.
Ardayda ka qalinjebisey Jaamacada Banaadir oo ka mid ah jaamacadaha ka hanaqaaday dalka Soomaliya sanadihii ka dambeeyey burburkii dowladii Maxamed Siyaad Barre ayaanay ahayn kuwii ugu horeeyey hase yeeshee arday badan oo ka qalinjebisey qeybaha kala gedisan ee jaamacada banaadir ayaa ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Maakhir Media Muqdisho
Daawo Sawirada











