Waan Waan la Dhexwado Beelihii Xalay Ku Diriray Magaalda Ceerigaabo
Ceerigaabo(MMedia) Odayaal ka Socda Beelaha H/jeclo iyo Warsengeli ayaa wada wadahadal ay kaga xaajoonayaan sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqadii shalay ka dhacday Magaalada Ceerigaabo taaso dhex martay Beelaha dhulbahante iyo H/yoonis waxaanay maanta ilaa caawa ay wadaan sidii ay isu soo hor fadhiisin lahaayeen ardaayadii mashaqadu dhexmartay
MMedia oo la xiriirtya Guurtida ku mashquulsan soo xiisadan sababtay Geerida laba ruux ayaa noo xaqiijiyay inay wadaan waan waan la dhex dhigo laba ardaa oo mudooyinkii u danbeeyay aanooyin badani dhexmareen waxaanay Shabakada MMedia u sheegeen in laga yabaa in beri laysu keeno sidii loo dhex dhigi lahaa xabad joojin
Dhinaca kale waxa caawa lagu soo rogay Magaalada Ceerigaabo bandoo ka dib markii xalay lagu dilay gudaha magaalada Taliyihii saldhiga booliska degmada Fiqifuliye ee gobolka ee gobolka Sanaag Marxuum- Shiine Yaasiin Xiin-Finiin oo sida la sheegay dilkiisu ka dambeeyay aano hore waxaana marxuumka maanta lagu aasay Ceerigaabo.
Badhasaabka Gobolka Sanaag ee dhinaca Somaliland Cali Cabdi Hurre oo maanta u waramayay saxaafada ayaa sheegay inay magaalada ku soo rogeen bandoo laga bilaabo lixda makhribnimo illaa lixda subaxnimo Jimcaha, waxaanu tilmaamay in talaabadaasi ay ka dhalatay dilalkii xalay ka dhacay magaalada.
Badhasaabku wuxuu sheegay inaan la ogolayn dhaqdhaqaaqa gadiidka iyo dadkaba si looga hortago wixii nabadgelyo darro keeni kara.
Sidoo kale, Gaadiid ay saaran yihiin codbaahiyeyaal (sameecado) ayaa maanta iyo galabtaba dhex marayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Ceerigaabo kuwaasi oo maamulka Gobolku ay dadweynaha ku wargelinayeen inay ku sugnaadaan guryahooda oo aan la ogolayn wax dhaq-dhaqaaq ah.
Gaadiidkaasi waxa lagu wargelinayay dadweynaha in cidii u hoggaansami weyda amarkaasi bandooda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Sida uu shabakadda wararka ee Somaliland.org u xaqiijiyay Weriye Maxamuud Maxamed Xasan (Saraaf) oo ah suxufi degan magaalada Ceerigaabo waxa isla galabtaba shaaricyada, wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Ceerigaabo laga hawl geliyay ciidamo badan oo iskugu jira Milatari iyo Boolisba, kuwaasi oo si adag u adkeeyay ammaanka magaalada oo wali laga sii dareemayo dhiilo iyo xiisad ka dhalatay dilalkii.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in maanta magaalada Ceerigaabo lagu aasay mid ka mid ah laba nin oo xalay ku dhaawacmay markii koox dabley ah oo ka soo jeeday ardaagii sarkaalkii la dilay ay tacshiirad ku fureen meherad ku taala magaalada waxa kale oo la sheegay ninka labaadna xaaladiisu culus tahay.
Illaa imika ma jirto cid ay Ciidamadda Boolisku u soo qabteen dadkii geystay labadan fal ee ay si weyn u cambaareeyeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo oo ku tilmaamay kuwo waxshinimo ah oo ay geysteen kuwo ajande xun.
Dilka sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihii saldhiga Booliiska Daallo ee magaalada Ceerigaabo Jaamac Axmed Cali ( Jaamac Garmaqaate) oo bishii August ee sanadkan
Maakhir Media Ceerigaabo
