MSF oo ku Soo Jeedisay In Xeryo Cusub Loo Dhiso Dadka Soomaaliya Ka soo Qaxaya
London(MMedia) Iyadoo ay sii kordhayso tirada qaxootiga Soomaalida ee gelaya xeryaha Dollo Ado ee dalka Itoobiya ayaa hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn waxay ku baaqayaan in si degdeg ah la kordhiyo goobaha la dejinayo qaxootiga cusub taasoo ay ku jirto in la furo xero 5aad.
MSF waxay kaloo soo jeedisay in la kordhiyo goobaha xuduudda ku yaalla ee sida kumeelgaarka ah dadka loogu qaabilo si dadka soo kordhay muddo dheer halkaasi loogu hayo.
Inkastoo heerka dhimashada iyo nafaqadarrada ee xeryaha qaxootiga dhexdooda hoos loo dhigay haddana waxaa jirtay in dad fara badani dhowaanahan ku soo qulqulayay dalka Itoobiya, dhibaatada ka taagan xeryaha qaxootiga ee dalkaasina fari kama qodna.
Xubno ka tirsan qoyska reer boqor ee dalkan Britain, oo kala ah amiir William iyo xaaskiisa, Catherine ayaa booqasho ku tegay xarun gargaarka qaramada Midoobay oo ku taalla magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.
Goobtaas waxaa la dhigaa gargaarka loo wado dadka ay saameysay abaarta Geeska Afrika, waana socdaalkoodii ugu horreeyay ee lammaanaha reer boqor ay ku tagaan safar xagga bani’aadanimada la xiriira. Qoyskan reer boqor waxaa socdaalka ku wehliyay amiirka leh dhaxalka boqortooyada Denmark iyo amiirad.
UNICEF waxay sheegtay in ujeedadu tahay in dareenka caalamka lagu soo jeediyo dhibaatada cunto yaraanta ka jirta Afrikada bari, halkaas oo boqollaal kun oo carruur ah ay qarka u saaran yihiin inay gaajo u dhintaan.
Muddo saddex bilood ka badan ayaa ka soo wareegtay markii macluusha lagaga dhawaaqay dalka Soomaaliya welina xaaladda Afrikada bari aad ayay u xun tahay waxaana halis ku jirta nolosha 13 milyan oo qof. Roobabkii oo la waayay muddo laba xilli ah oo iskuxiga, dalalka Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti waxaa ku dhufatay abaartii ugu xumayd muddo 60 sano ah. Beerihii way ba’een, xoolihiina way dhinteen, waxaana ay ku khasabtay ugu yaraan 600 kun oo qof inay barakacaan iyagoo raadinaya cunto, biyo iyo daawo.
