Madaxweynaha Shariif oo warqadaha ka guddoomay Safiirka Turkiga
Muqdisho(MMedia)Kulan uu maanta madaxweyne Sheekh Shariif Sh Axmed uu la qaatay safiirka dowladda Turkiga ay u soo magacaawday Soomaaliyo Kamaaludiin Aknaan ayaa waxaa maanta si rasmi ah ula wareegay madaxweyne Shariif.
Kulan uu la qaatay Madaxweyne Sh Shariif Sh Axmed safiirka dowladda Turkiga ay u soo magacaawada dalka ayaa waxa uu sheegay in ay dowladda iyo shacabka ay ku soo dhaweynayaa safiirka niyad wanaagsan waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in dowladda Turkiga ay safiir u soo magacaawdo dalka.
Kulanka kadib ayaa waxaa saxaafdda si wadajir ah ula hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibada iyo safiirka Turkiga ay u soo magacaawaday Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenk arrimaha dibada C/raxiin Cabdi Abiikar ayaa sheegay in safiirka maanta laga bilaabo uu ka howlgali doono magaalada Muqdisho ayna dowladda rajo wanaagsan ka qabto in ay sii dardar galin doonto dowladda Turkiga dadaalka balaaran oo ay ugu jirto badbaadinta dadka ay baartu saameysay.
Kamaaludiin Aknaan safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo isna lahadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay safaarada Turkiga ee Soomaaliya wax badan ka qaban doonto dalka.
Mudooyinkii ugu dambeeyay dowlada Turkiga ay waday dadaalo ay ku caawinayaan walaalahooda Soomaaliyeed oo ay abaartu saameysay iyadoo safaarada Turkiga ee magaalda Muqdisho ka howlgali doontana ay waji kale u furi doondo dowladda Turkiga.
Maakhir Media Muqdisho
