Shabaab oo Ceel-waaq ku weeraray Mas’uul ka tirsan Kenya
Muqdisho(MMedia) Ciidamo ka trisan Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in weerar qasaaro dhaliyay ay ku qaadeen Xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan Ceel-waaq, iyadoo arintaasi ay faah faahin ka bixiyeen Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Axmed Cabdi Carab oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay weerar la sheegay in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay ku qaadeen guri uu daganaa Mas’uul ka tirsan dowladda Kenya oo ku yaalla Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.
Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in xilligii uu weerarka dhacayay uu guriga ka muqnaa Mas’uulkaasi hase ahaatee waxaa uu sheegay in guriga ay ku sugnaayeen qoyskiisa, waxaana warar hoose oo ay Idaacadda Shabelle helayso ay sheegayaan in guriga uu ku dhintay wiil arday ah inkastoo Afhayeenka Ciidamada dowladda uu sheegay inay jiraan dhaawacyo islamarkaana kooxihii weerarka soo qaaday ay dhibaato u gaysteen sida uu xusay Haween iyo Caruur ku sugnaa gurigaasi.
Axmed Cabdi Carab Afhayeenka Ciidamada dowladda ee degmada Ceel-waaq ayaa waxaa uu intaasi ku daray in kooxihiii ka dambeeyay weerarkaasi ay goobta isaga baxsadeen maadaama guriga la weeraray ay gaareen Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya oo halkaasi ka bilaabay dhaq dhaqaaq lagu baadi goobayo kooxahaasi.
Xaaladda degmada Ceel-waaq ayaa saakay degan marka laga reebo dhacdadii xalay kooxo hubaysan ay ku weerareen guri uu deganaa Mas’uul ka tirsan dowladda Kenya, waxaana jira howlgallo Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ay ka wadaan degmadaasi.
Maakhir Media Muqdisho
