Dowlada Kenya oo digniin U Dirtay Shacabka Ku Nool 9 Magaalo oo Ku Yaal Koonfurta soomaaliya
London(MMedia) Afhayeenka milatariga Kenya ayaa u digay dadka degan sagaal magaallo in weerar lagu soo qaadi doono, isagoo fariin ku soo diray Twitter.
Maj Emmanuel Chirchir ayaa BBCda u sheegay in saldhigyada Alshabaab oo ku yaala magaalooyinka banaankooda la beegsanayo.
“Ciidamada difaaca ee Kenya ayaa ku guubaabinaya qof walba oo ehelo ku leh magaalooyinkan inay u digaan” Maj Chirchir ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter”.
Magaalooyinkan ayaa kala ah Baydhabo, Bardheere, Dinsoor, Afgoye, Buale Barawe, Jilib Kismaayo iyo Afmadow.
Wuxuu BBCda u sheegay in Alshabaab ay saldhigyo ku leedahay dibada magaalooyinka ay maamusho.
“Ma weerarayno magaalooyinka ayuu yiri, waxaan weeraraynaa xarumaha Al Shabaab.”
Maakhir Media London
