|

Qodobada ay Ku Heshiyeen Somaliya iyo Kenya

Ra’isalwasaarayaasha Dalalka Somalia iyo Kenya ayaa maanta kala saxiixday heshiis 11 qodob ka kooban , waxana muhiimada heshiiska ahayd sidii amaanka looga wada shaqeyn lahaa , heshiiska oo turjuman halkan ka akhri

1-   In Howlgalka Kenya ay ka wado soomaaliya ujeedkiisu u yahay mid meesha ka saaraya khatarta ay ku hayaan kooxda al Shabaab amaanka Guud ee dalka Kenya , iyo dhaqalaha dalxiska dalkan ka helo , waana mid ku qotoma xaquuqda uu dal u leeyahay inuu is difaaco sida uu dhigayo qodobka  51 ee xeerka Qaramada Midoobey

2-   In Hanjabaada iyo khatarta joogtada ah ee ay Kooxda alshabaab ku hayso Somalia iyo Kenya ay muujinayso in Labada dal hal cadow wada leeyihiin- si gobol ahaaneed iyo si guud ahaaneedba ,waana in khatarta al Shabaab ay labada dal iska kaashaadaan sidii ay ula diriri lahaayeen iyadoo beesha caalamkana taageero ka helay

3-   In howlgalada ka socda hada Somalia oo ay hogaaminayaan Ciidamada Xooga Dalka Somalia , oo ay taageerayaan Kuwa Kenya ay yihiin howlgalo lagu ugaarsanayo Alshabaab taasina ay sharci tahay

4-   In Dowlada Somaliya iyo Ciidamadeedu ay ka caawinayaan kenya dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay kawado Somalia iyadoo labada dowladood uu ka dhexeeyo deriswanaag

5-   In lasameeyo xiriir joogta ah oo lagu kala qaadanayo xogaha la xiriira Kooxda lashabaab, xogta marka la isla ogaado loogu gudbiyo militeriga oo ay talabo u qadan  iyadoo dhowaana lasameynayo gudi arimahaasi kashaqeeya

 

6-   In lasameeyo xubno dublumaasiyiin ah oo dhowr ah oo ka kala socda labada dal kuwasi oo u ololeeya in aduunku taageero howgalkan , xubnahan ayaa lagu dooraan doona kulan bisha November 1deeda ka dhacaya Nairobi , waxana ay booqan doonaan caasimado dhowr ah si ay taageero ugu raadiyaan howlgalkan

7-   In Ciidamo dheeraad ah oo AMISOM Ka socda la hirgeliyo inay tagaan goobaha coladuhu ka jiraan ee koonfurta Somalia , si ay u caawiyaan Ciidamada Nabad ilaalinta ah dowladana gacan uga siiyaan in ay maamulo hoosadyo u sameyso degamadasi

8-   In beesha caalamku ay gargaar bani aadanimo oo deg deg ah la gaaraan dadka kusugan goobaha colaaduhu ka jiraan koonfurta Somalia oo ay halkaasina ka qaybiyaan waxyabaha daruuriga ah e lobahanyahay iyo adeegyada kale ee muhimka ah sida caafimaadka iyo waxbarashada

9-   In Dowlada KMG ah ee Somalia ay kadalbato Maxkamada Danbiyada Dagaalka ee aduunka ICC inay baaritaano deg deg ah ku samayso Gabood falada bani’aadanimada ka dhanka ah ee kooxda alshabaab ka geysanayan Somalia

 

 

10-               In beesha caalamku ay hirgeliso , taagero dhinac walba ah , oo looga maarmayo xiritaanka Dekeda kismaayo ee al Shabaab dadka ka xirtay taageradaasi oo socota tan iyo al-shabaab laga saarayo meesha .

11- In Kenya aysan marna wada hadal lageli Karin Kooxda AL Shabaab , laakiinse Dowlada KMG ah ee Somalia ay u madax banaantahay in ay wada hadal la furi karto Mucaaradkeeda hubaysan sidii ku  cadeed heshiiskii wada hadalka nabada ee Jabouti ka dhacay , Kii kampalla ka dhacay ee Kampala Accord oo ay dhamaantood ay hirgeliyeen .
by , Jama Deperani
Maakhir Media Kenya

Comments are closed