|

Somaliland Oo Soo Saartay Go’aan ay ku Mamnuucday In ajaanibku ka shaqeeyaan dalka

Hargaysa(MMedia) Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa soo saartay go’aamo adag oo ay ku mamnuucday in dadka ajanabiga ahi ay dalka ka qabtaan shaqo ay muwaadiniintu buuxin karaan.

Waxa kale oo ay ugu baaqday Ha’yadaha, shirkadaha, Guryaha iyo Meheradaha inay shaqada ka joojiyaan ajaanibka aan sharci darrada dalka ku jooga, kuwii sharci haystana ay u soo dalbadaan ruqsad shaqo.

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu markey daristey go’aankii ka soo baxay Xukuumada Somaliland markay taariikhdu ahayd 04/09/2011 ee Ajaanabka sharci darrada dalka ku jooga lagu saarayey.

Markay ku qanacday ahmiyada ay leedahay fulinta, dhaqangalinta iyo hubinta ku dhaqanka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Jamhuuriyada Somaliland Xeer LR 31/2004.

Markay aragtey baahsanaanta Shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta iyo ahmiyada loo qabo in muwaadiniinta bilaa shaqada ah shaqo loo abuuro.

Markay ogaatey inay jiraan dad badan oo ajaanab ah oo dalka sharci darro ku jooga ama aan haysan ogolaansho shaqo oo dalka ka shaqeysta hayana shaqooyin badan oo muwaadiintu qaban karaaan.

Waxay soo saartey go’aamadan:
Dhamaan loo shaqeeyayaasha iyo Shaqaalaha Ajaanabka ee sharci darrada dalka ka shaqeysta waxa la farayaa inay u hogaansamaan go’aanka kor xusan.

Wasaaradu iyadoo fulineysa Qododka 32aad ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka ee Jamhuuriyada Somaliland Xeer LR-31/2004 oo si cad u tilmaamaya reebbanaanta shaqaaleynta ajaanabka ayaa waxay faraysaa dhamaan loo shaqeeyayaasha sida: Shirkadaha, Warshadaha, Guryaha, Hudheelada, Hay’adaha iyo Goob kasta oo shaqo inay reebban tahay shaqaaleysiinta ajaanabka sifada sharci darrada ah dalka ku jooga ama aan ruqsad shaqo ka haysan.

Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshaddu Dhamaan loo shaqeeyayaasha ay wakhtigan goobahooda shaqo ka shaqeeyaan ajaanabka aan buuxin shuruudaha ogolaanshaha shaqo ama aan haysan ogolaansho shaqo waxa la farayaa inay cidii buuxineysa shurruudaha ogolaanshaha dalkana sharci ku jooga u dalbaan ruqsad shaqo si loogu ogolaado ama loogu diido, cidii aan buuxineyna kaga joojiyaan shaqada ay u hayaan kuna badashaan muwaadiniinta xaqa u leh iyagoo raacaya dariiqa sharcigu u jideeyey.

Qofka ajaanabka ee loo ogol yahay inuu Somaliland ka shaqeeyo ka dib marka ruqsad shaqo la siiyo waa qof dalka sifo sharci ah ku jooga haystana ogolaansho, islamarkaana shaqada uu qabanayo aan muwaadin qaban kara Somaliland laga helayn, lana xaqiijiyo inay tahay shaqo aanu muwaaddin qaban karin.
dhammaan Shaqaalaha ajaanabka ah ee dalka kaga shaqeysta sifo sharci darro ah ee aan buuxin shuruudaha looga baahan yahay in la siiyo ruqsad shaqo waxa la farayaa inay dalka isaga baxaan farahana ka qaadaan shaqooyinka ay hayaan.

Waxaa la sameyn doono kormeero lagu hubinayo in la fuliyey go’aankan, cidii lagu helo inay u hogaansami weydeyna waxa lala tiigsan doonaa sharciga iyadoo lala kaashanayo hay’ada ku shaqada leh.
Waxa laga codsanayaa Wasaarada Arrimaha gudaha iyadoo kaashaneysaa laamaheeda amniga sida Booliiska iyo Laanta Socdaalka inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaado cidii aan u hogaansamin awaamiirta la farey, dalkana ka saarto ajaanibta go’aamaddan ka dhago adeyga

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed