Xildhibaano Taageeray Heshiiskii Kenya iyo DFKM ay Shalay Kala Saxeexdeen
Muqdisho(MMedia) Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay heshiiskii 11-ka qodob ahaa ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.
Mudanayaashan ayaa waxay sheegeen in heshiiskaas uu hordhac u yahay sidii looga saari lahaa Xarakada Al-shabaab gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ku yaalla
“Waxaan marka hore rabaa inaan taageerno heshiiskii ay shalay Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen, kaasoo ujeedadiisu ahayd in la iska kaashado dagaalka lagula jiro Al-shabaab,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ahaa mudanayaashii taageeray heshiiskaas.
Xildhibaan Maxamed Afaraale wuxuu sheegay inay heshiiskaas u arkaan mid looga saarayo dalka Soomaaliya Xarakada Al-shabaab, ayna iyagu yihiin xildhibaanno kasoo jeeda gobollada Koonfureed iyo kuwa galbeed ee Soomaaliya.
“Dhammaan qodobbada uu ka kooban yahay heshiiska waan soo dhaweynaynaa, waxaana codsanaynaa in sida ay yihiin loo fuliyo,” ayuu yiri mudanahan oo sheegay in go’aankan uu yahay mid ay soo dhaweeyeen dhammaan dadka kasoo jeeda gobollada Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya.
Mudanayaashan ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo soo dhaweeya heshiiskan oo ay shalay ku kala saxiixdeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Kenya magaalada Nairobi.
Maakhir Media Muqdisho
