Shacabka Reer Mudug ee P/land oo Ka soo Horjeestay Keenista Ciidamda Amisom+Sawiro
Podcast: Play in new window | Download
Gaalkacyo(MMedia) Waxaa maanta magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ka dhacay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug.
Kulankan oo ahaa mid lagu muujinayey sida bulshada magaalada Gaalkacayo iyo guud ahaan gobolka Mudug uga soo horjeedaan ciidamo ka tirsan AMISOM oo uu madaxweyne Faroole dhowaan ka dhawaajiyey in magaalada Gaalkacayo la keeni doonoo ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socdey Ururada bulshada iyo Mas’uuliyiin dowlada Puntland horay xilala kala duwan uga soo qabtay.
Mas’uuliyiinta Kulankii maanta ka dhacay xarunta Ururka CPD kasoo qayb galayna waxaa kamid ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab),Wasiirkii hore ee caafimaadka Bashiir Cali Biixi ,Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Cabdirishiid Cali Xaashi (Dhuubane) , iyo Siyaasiyiin kale.
Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaarada caafimaadka Puntland Bashiir cali Biixi wuxuuna sheegay in aysan munaasib ahayn in xiligan magaalada Gaalkacayo ciidamo AMISOM ka socda la keeno.
Isagoo intaas ku daray in hadiiba arintaasi ay dhacdo ay horseedi doonto in dhibaatooyinkii koonfurta Soomaaliya ka jirey ay usoo guuraan dhinaca Puntland , isagoo intaas raaciyey in gobolka ay ku sugan yihiin dad badan oo kasoo horjeeda imaatinta ciidamada AMISOM ayna dhici karto in arintu ay faraha ka baxdo bulshadana ay dhibaatooyin xoog lihi soo gaaraan
Sidoo kale waxaa halkaas isna ka hadlay Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo horay Puntland madaxweyne ku xigeen uga soo noqday islamarkaana kulankaas isagu soo qaban qaabiyey wuxuuna sheegay in hadii ciidamo AMISOM ka socda magaalada Gaalkacayo la keeno ay taasi noqon doonto mid caqabad ku noqota nabada iyo xasiloonida guud ahaan gobolka Mudug.
Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) wuxuu dhinaca kale sheegay in shacabku aanay marnaba raali ka noqon doonin imaatinka ciidamada AMISOM wuxuuna uga baaqay dowlada inay ka noqoto go’aankaas ay qaadatay oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid aan laga fiirsan
Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay xubno ka socdey Ururada bulshada waxaana kamid ahayd Zeynab Sheekh Cismaan iyadoo ku dheeraatay sida xiligan xaalada ammaan ee magaalada Gaalkacayo tahay waxayna sheegtay in haweenka gobolka oo isku duubani ay si cad uga soo horjeedaan in ciidamo AMISOM ka socda magaalada Gaalkacayo la keeno.
Sidoo kale Cabdinaasir Bedel Khalaf oo isna ka socdey Ururada dhalinyarada ee gobolka Mudug ayaa sheegay in dhalinyaradu ay cod mideysan ku sheegayaan inay kasoo horjeedaan hadalkii dhowaan madaxweynaha Puntland kasoo baxay ee ahaa in Puntland ciidamo AMISOM ka socda la keeni doono.
Wuxuuna dhinaca kale sheegay in arintaasi ay tahay mid lagu deg degay islamarkaana aan ku iman qaab sharci ah , dowladuna ay ka gaabisay kaalintii kaga aadaneyd xasilinta amaanka ee gobolka Mudug sidaas darteedna aan loo baahnayn in ciidamo Ajnebi ah dalka la keeno.
Ugu danbayntii waa isna kulankii maanta ka dhacay xarunta Hay’adda CPD ka hadlay Nabadoon Bashiir Cali Dalmar oo ku hadlayey afka Nabadoonada wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka dhibaatada ka dhalan karta hadii ciidamo AMISOM kasocda magaalada Gaalkacayo la keeno.
Wuxuuna sheegay in magaalada Gaalkacayo aanay Muqdisho oo kale ahayn hadii ciidamada AIMSIOM yimaadaana ay suurta gal tahay in kooxaha kasoo horjeedaa ay weeraro ku soo qaadaan iyaguna ay ka jawaabaan sidaasna ay bulshada waxyeelo baaxad lihi uga soo gaarto.
Si kastaba ha ahaatee kulanka ay maanta isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacayo ku dhaqan ayaa imaanaya xilli dhowaan uu madaxweynaha Puntland shaaciyey in magaalada Gaalkacayo la keeni doono ciidamo ka socda midowga Africa , si ay gacan uga geystaan sugidda amaanka degmada Gaalkacayo oo iyada waayadii u danbeeyey ahayd mid aan xasilooneyn.
Source Horseedmedia
Maakhir Media Network

