Taariikh Kooban oo Ku Saabsan Alle How Naxariistee Qoraagii Waynee Khaalid Cali Guul Warsame
Denmark(MMEdia) Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 30-10-2011 ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, Allaha u naxariistee qoraa khaalid Cali – Guul – Warsame.
Taariikh Kooban
Khaalid waxuu dhashay 1931. Dugsiyada hoose – dhexe iyo sareba wuxuu ku soo kala dhameystay magaalooyinka Qardho, Beledweyne iyo Xamar. Keddib, wuxuu qaatay tababarro kala duwan sida Macalinnimo iyo Habka Maamulka.
Khaalid wuxuu waxbarasho heer jaamacadeed ah ku soo kala qaatay dalalka Masar,Talyaaniga, iyo midowga Sofiyeeti. Waxuuna jagooyin kala duwan ka soo kala qabtay Maamulladii Dawladdii rayidka ahayd iyo tii kacaankaba – 1960-1990.
Khaalid oo gabyaa weyn iyo qoraaba ahaa, wuxuu qayb libaax ka soo qaatay Taariikhda iyo Horumarinta Suugaanta Soomaaliyeed.
Buugaagta uu Khaalid qorey waxaa ka mid ah:
- Buugga Isirinta Suugaanta Soomaaliyeed
- Suugaanta Geela laga curiyey
- Xiriirkii hore ee bulshada soomaaliyeed
- Diiwaanka gabayada Khaalid Cali 50 Gabey, iyo CD codka gabayadiisa ah
- Maxaa kaa qabsaday Qaxootiga
- Sheeka xariirka iyo sheeka baraleyda soomaaliyeed
- Maah-maahaha soomaaliyeed
- Qaamuuska afka Soomaaliga
- Taxanihii Taariikhda soomaaliyeed Jiska 1-2
- Tubta waxbarashada
- Qurbaha iyo Qoyska Soomaaliyeed
Ebbe jannadii fardowsa ka waraabiyo, Eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tegeyna,samir iyo iimaan Allaha ka siiyo …Aamiin
Aamiin Aamiin
Waxaa soo diyaariyey
Farah Yassin Osman
