Maanta oo ay ku beegantahay 29 Actober maalintii Qaraxyadii waawaynaa ay Gilgileen Bosaso iyo Hargaysa(Warbixin)
Maanta waxay ku began tahay maalintii qaraxyayada waawayn lal eegtay magaalooyinka Hargaysa iyo Bosaso iyadoo qaraxyadaasi ay argagax ku abuureen dadkii kunoolaa magaalooyinkasi.
Magaalada Bosaso hadii aan ku horayno waxaa ka dhacay 29 Actober 2008 qaraxyo aad u waawayn oo gilgilay dhamaan magaalada bosaso halkaasi oo lala beegsaday xarumo ay leeyihiin ciidanka PIS ee ladagaalanka Argagixisa .
Waxaana xiligaasi ku dhintay hal gabadh oo fiiqaysay dayr ka hore ee xarunta ku dhaw madaxtooyada iyadoo ay sidoo kale ku dhawacmeen laba askarii ilaalada kamid ahaa oo dayrkii ku soo dumay khaasare aad u badani kama dhicin ,iyadoo xiligaasi ciidanku uu ku maqnaa tababar dhanka buuraha ah .
Waxaana xiligaasi ay aragagax ku dhalisay dadka bosaso taasi oo keentay in amaanka aad loo adkeeyo goobaha dawladana la hor qotomiyo kaabado waawayn waxaana cabsi xoogle soo food saartay haayadaaha caalamiga ah iyo laamaha amaanka.
Hargaysa.
Iyadoo ay manta ku beegantahay 29 actoober oo muda laga joogo sadex sano maalintii la qarxiyay Madaxtooyada safaaradii itoobiya iyo xaruntii UNDP ee magaalada hargaysa halkaasi oo ay dad badani ku dhinteen maalintaasi kuwa kalena ay ku dhawacmeen ,ayaa manta waxaa si aada loo adkeeyay amaanka magaalada Hargaysa.
Waxaa heegan culus la galiyay ciidanka qaranka iyagoo u baadhaya mid mid baabuurta gooshaysa wadooyinka waawayn ee magaalada Hargaysa ,waxaa sidoo kale la adkeeyay Goobaha dawlada , xarumaha Haayada ,iyo laamaha amaanka
Maanta waa maalin xusud mudan iyadoo ay dadka reer hargaysa xasuustaan maalintii 29/10/2008 halkaasii oo uu ka dhacay qar4ax aad u xoog badan xarumo kala duwan oo ku yaala magaalada Hargaysa kuwaasoo lala beegsaday sadex gaadhi oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayna galeen xarumahaasi waxaa maalintaasi ku dinrtay dad ka badan 30 iyadoo dhawacanuna intaa ka badnaa .
Hadaba manta ayaa Hargaysa amaankeeda aad loo adkeeyay taasi oo ladooonayo in la xuso maalintii murugada badnayd ee soo martay Somaliland,dadka ku nool magaalada Hargaysa ayaa si aada u hadal haya cidii maalintaasi jooogtay wixii meeshaasi kadhacay .
Dhanka Wasiirka Arimaha gudaha ee Somaaliland maxamed Nuur caraale duur oo shir jaraa;id ku qabtay Xafiiskiisa isagao shirkaasi kaga hadlay manta oo ay ku beegantahay maalintii qaraxyo waawayn ay gilgileen magaalada hargaysa .
Wasiirka ayaa si wayn u falan qeeyay qaraxyadii ay dad badani ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhawacmeen ,ugu horayn waxa uu ka hadlay qaraxii 29 actober 2008 ,Waxaa uu sidoo kale tacsi u diray wasiirku Idadkii halkaasi ku dhintay .
In u ahaa qaraxaasi baraarug wayn oo ay ku baraarugeen dadka reer Somaliland isagoo sheegay in ilaa manta ay foojignaadaan Shacabka ,Waxa uu sidoo kale ka u mahad naqay ciidan Somalilaand oo iyana ilaa maalintaasi aan jiifsan oo ay ilaalinayaan Amaanka .
Isku soo wada duubo manta waxay ku began tahay maalintii qaraxyada kala duwan lala beegsaday xarumaha madaxtooyada ,xaruntii UNDP iyo safaaradii itoobiya oo ay dad badani ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhawacmeen .
Maakhir Media Hargaysa
