Wasiir xigeenka W/barashada PL Ayaa Gaadhay Magaalada Muwdisho Ee Xarunta Dalka.
Wasiir xigeenak wasaaradda waxbarashada PL max’uud max’ed idiris iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada muqdisho ee xarunta dalkan somalia iyadoona halkaasi ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiin dowlada somalia ka tirsan .
Wasiirka oo horsed media la hadlay gaar ahaana barnaamijka xog ogaal ayaa waxaa uu nooga waramay ujeedad safarka halkaas ay ku tageen waxaana uu sheegay in safarkoodu uu salka ku hayo kulamo kala duwan oo ay la soo samayn doonaan masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada somalia.
wasiirka oo la waydiiyay waxyaalah ay halkaasi u tageen inay ka mid tahay ardaydii waxbarashada ka heshay turkiga oo 50- ka mid ahi aysan illaa xiligan ka anba bixin gudaha dalka somalia waxaana uu hoosta ka xariiqay inay ugu muhiimsantahay waxyaalaha ay muqdisha u tageen ayna doonayaan in ay ardaydaasi aan wali bixin la meel mariyo safarkooda ayna ogaadaan sababta ay u bixi waayeen oo wali muqdisho u joogaan.
Max’uud max’ed idiris wasir ku xigeenka waxbarashada PL waxaa uu beeniyay warar dhowaan soo baxayay oo sheegayay in arday ka mid ahaa ardaydii turkiga loo diray oo qaybt PL ka tagtay ay ku jiraan in laga soo ceshay dalkaasi turkiga
si kastoo ay ahaataba waa markii u horraysay oo wafdi ka tirsan wasaarada waxbarashada PL ay safar ku tagaan magalada muqdisho ee xaruta dalka tan iyo intii ay jirta xukuumadda PL.
Zakariye Khaliif Farah
Maakhir Media Muqdisho
