|

Hay’adda cunnaada adunyadda WFP oo raashin qaybin ka bilowday deegaano ka tirsa gobolka karkaar.

Deegaano ka tirsan gobolka karkaar ayaa waxaa la gaadhsiiyay raashin kala duwan raashinkaas oo ay gaadhsiisay hay’adda WFP looguna tala galay in loo qaybiyo dadka barakacayaasha ah ee kunool deegaanada gobolkaasi.

Waxaana la ogyahay in dad fara badan oo ka soo cararay dagaalada sokeeye ee koonfurta somalia ka jiray mudooyin badan dagaaladsaas oo sababay in dadyow fara badani ay ka cararaan guryohoodii iyo deegaankoodii.

Gudomiyaha gobolka karkaar Cabdi quraan max’ed aadam ayaa waxaa uu sheegay in raashnkaan ay qardho soo gaadhsiisay hay’adda WFP oo somalia ka shaqaysa waxaana uu tilmaamay in loo qaybinayo dadka soo barakacay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay gudoomiyuhu in raashinkaani uu yahay mid aan dabooli karin baahiyaha haysta dadkaas bacdamaa raashinku uu yaryahay isla markaana isugu jiro haruur iyo saliid oo kaliya

Si kastoo ay ahaataba raashinkaan WFP ay ka qaybisay deegaanada karkaar ka tirsan ayaa waxaa uu ka mid yahay raashinka kala duwan ee ay gobolada somalia gaadhsiiyo WFP kaasi oo ah mid caqbad ku noqday in dadka somalidu ay wax soo saar ku sameeyaan beeraha somalia bacdamaa gelley iyo haruur uu isugu jiro dadkiina ay ka caajiseen raashinka noocaas ah oo dalka somalia uu qani ku yahay inay la soo baxaan.

Zakariye Fanraastic

Maakhir Media Qardho

Comments are closed