|

Shir balaaran oo lagu dhexdhexaadinayo beelo dagaal uu ku dhexaray deegaano ka tirsan gobolka karkaar oo maata ka dhacay bosaso

Waxaa maanta shir ballaadhan uu ka furmay xarunta rugta ganacsiga PL waxaana shirkaasi uu ku saabsanaa xallinta khilaaaf colaad sababay oo dhex maray beelo wada deegaano ka tirsan gobolka karkaar kuwaasi oo dhibaato soo kala gaadhay.

Waxaa maanta goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda PL oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha PL Genr Callaahi axmed Jaamac Ilka Jiir iyo masuuliyin kale oo dhanka dowladda ah.

Sidoo kale waxaa joogay odayaal dhaqameed kala duwan oo qaybtood ay ku ireen odayaal ka soo kala jeeday beelaha dirirtu dhex martay waxaana loo fadhiyay in la xal loo helo dhibaatadii dhacday ee beelahaas dhemartay.

Gudomiyaha gobolka bari Csamad max’ed Gallan ayaa nooga waramay muhiimada shirkaasi iyo waxyaalaha ka soo baxay waxaana uu sheegay in shirkan uu ka mid yahay shirar hore u soo dhacay oo lagu xallinayo dhibaatada dhex martay beelaha cali saleebaan iyo ugaar saleebaan.

waxaan waydiinay gudoomiyaha in beelaha la dhex dhaxaadinayaa dhankooda ay diyaar u yihiin in la dhex galo waxaana uu sheegay inay ku qanacsanyihiin arrinkaasi diyaarna ay u yihiin in la soo afjaro colaaii dhiiga sababtay ee beel;aha dhex martay iyaguna ay ugu horeeyaan dadka gar wadeenka ka ah in la xaliiyo arrintaan.

Si kastoo ay ahaataba shirkan ayaa waxaa uu qayb ka yahay shirarka lagu xalinayo dhibaaatadii dhex martay beelaha cali saleebaan iyo muuse saleebaan  kuwaasi oo dhowaan diri dhimasho iyo dhaawac sababtay ay ku dhexmarta deegaano ka tirsan gobolka karkaar.

Zakariye Fantaastic

Maakhir Media Bosaaso

Comments are closed