|

Kulankii Guddiga Iskaashiga Amaanka Dalka Oo Galabta La Soo Gebagebeeynayo

Muqdisho(MMedia) Kulanka guddiga iskaashiga amaanka Soomaaliya oo ay goob joog ka yihiin Mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Q/Midoobey iyo maamul goboleedyada ka jira dalka oo maalintii labaad ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagu wadaa in galabta la soo gebagebeeyo.

Kulanka oo uu shir guddoominayay wakiilaka xoghayaha guud ee Q/Midoobay Mahiiga ayaa waxaa ka soo qeybgalay R/wasaare C/weli, wasiirka Gaashaandhigga, saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta maamullada ka jira dalka.
R/wasaare C/weli oo ka hadlay kulankii maanta ayaa sheegay in loo bahanyahay in la iska kaashado sidii dalka oo dhan looga saari lahaa kooxda Shabaab oo dhibaatooyin farabadan ku heysa dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Khudbada R/wasaaraha kadib shirkii ayaa la guda galay saxaafaddana dibada ayaa loo saaray waxaana la sugayaa wixii ka soo baxa kulankaasi maadaama galabta la soo gebagebeeynayo shirkaasi.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed