|

Madaxweynaha Somaliland oo Ku Soo Jeeda Magaalada London ee Cariga Ingiriiska

Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha Somalland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka dhoofay Madaarka Hargaysa isagoo kusii jeeda Dalka Uk waxaana Socdaalkiisa ku weheliya qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada

Socdaalka Siilaanyo oo ah mid isaga  u gaara oo uu ku imanayo Magaalada London ayaa la sheegayaa inuu qaadan doono mudo laba todobaada ah waxaana laga yabaa inuu madaxweynuhu arko dhakhtarkiisa gaarka ah isagoo mari doona baadhitaan Caafimaad

Mr Siilaanyo waxa uu  warbixin kooban siiyay warfidiyeenada intaanu ka dhoofin Madaarka Hargaysa waxaanu carabaabay inuu sii mari doona Dalalka Djabuti iyo Itoobiya isagoo kala xaajoon doona arimo khuseeya dhinaca nabad gelyada

Maakhir Media Hargaysa

 

Comments are closed