Koox ka Tirsan Alshabaab oo Lagu Qab Qabtay Degmada Boondheere
Muqdisho(MMedia) Maamulka degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyo saanad Milatari oo ay wateen.
Gudoomiyaha degmada Boondheere dowladda KMG Soomaaliya C/laahi Xersi Wardheere (Istakin) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay xaaladda amaan ee degmadaasi tan iyo markii Ciidamada dowladda KMG ay la wareegeen gacan ku haynta degmadaasi.
C/laahi Xersi Wardheere ayaa waxaa uu sheegay in xaaladda amaan ee degmadaasi ay tahay mid wanaagsan oo la’isku halayn karo taasi oo uu sheegay inay ku timid iskaashi iyo wada shaqayn dhexmartay Maamulka degmadaasi iyo shacabka ku dhaqan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha degmada Boondheere ayaa waxaa uu xusay in saacadihii u dambeeyay ay Ciidamada amaanka ee degmadaasi u suuro gashay inay gacanta kusoo dhigaan kooxo uu sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab islamarkaana sita waxyaabaha qarxa inkastoo uusan carabaabin tirada dadkaasi oo uu tilmaamay in haatan ay ku jiraan Xabsiga degmadaasi, goordhowna ay ku wareejin doonaan Hay’adaha amaanka ee dowladda KMG Soomaaliya.
C/laahi Xersi Wardheere ayaa waxaa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi inay ku dadaalaan sidii ay ugu feejignaan lahaayeen kooxo uu sheegay inay doonayaan in falal amaan dari ah ay ka gaystaan gudaha degmadaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay in Maamulka degmada uusan u dulqaadan doonin cid waliba oo doonaysa in halkaasi ay amaan dari ka abuurto.
Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay sida wayn ugu dagaalameen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab, iyadoo iminka degmadaasi ay u muuqato mid kasoo kabanaysa raadadkii ay dagaaladu ku reebeen xilli ay maalin waliba dib ugu laabanayaan qoysaskii ka barakacay halkaasi.
Maakhir Media Muqdisho
