Raysal wasaare Cabdiwali”Waan tageersanahay Ciidamada Kenya ee Kujira Ladagalanka Al shabab+Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Welli Maxamed Cali oo maanta xafiiskiisa Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay ayaa mar kale ka hadlay arrinta ku aadan soo galitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya waxa uuna tilmaamay in saxafadda ay cabir khaldan ka bixyeen war-saxaafaddeedkii shalay laga soo saaray madaxtooyada Soomaaliya.
Waxa uu hoosta ka xriiqay Ra’iisul wasaaruhu in dowladda Soomaaliya ay moowqif cad ka taagan tahay arrinta dadaallada ay dowladda Kenya ay kulla dagaallameyso Kooxda Al-Shabaab.
Dr.Cabdi Welli ayaa sheegay in been abuur ay tahay hadallada sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeedo dadaalka Kenya, waxa uu intaa ku daray in ay labada dalka ka mideysan yihiin la dagaallanka Shabaab.
“dowladda Soomaaliyeed waxay u araktaa dadaal kasta oo ku aadan Shabaab taageyso loo fidiyay dowladda Soomaaliya, dowladda waxay ammaan ujeedineysaa IGAD, AMISOM iyo ciidamada dowaladda ee howl gallada ka wada gobollada Jubbooyinka.
R/wasaaraha ayaa sheegay in dagaallada gobollada Koonfureed ka socda ay hoggaaminayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, “hadii ay Kenya nagu taageeysana waan soo dhaweeneynaa”ayuu yiri R/wasaaraha.
Hadalka Raysal wasaraha ayaa kusoo beegmaya xili caalamkoo dhan ay DKMG ee Somaaliya ku eedeeyeen in ay dawladu taageersantahay shabaab iyadoo ay taasi ku macneeyeen xili dhawaan uu madaxwaynaha Somaliya Shiikh Shariif sheegay in aanay raali ka ahayn soo gali taanka Dawlada Kenya ciidamadeeda balse uu manta sheegay Raysal wasaraha in ay soo dhawaynayaan.
Maakhir Media Muqdisho
