Beelaha ayaanu Hubka Kaga Dhigaynaa Amisom(Wasiirka Amniga P/land)
Gaalkacyo(MMedia) Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in Puntland ay u yeeratay ciidamo ka socda Amisom kuwaasoo uu sheegay inay wax ka qaban doonaan amni darrida ka jirta Puntland.
“Waa run anagaa dalbanay Amisom, waayo ciidankaan waxaa loogu talagalay inay dalkoo dhan ka hawlgalaan.., Puntland waxay weydiisatay DKMG iyo Amisom inay ciidamo keenaan Gaalkacyo marka iyaga ayaan ka warsugeynaa” ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.
Khaliif wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in haddii ay yimaadaan Amisom ay wax weyn ka bedeli karaan xaalada amaanka, isagoo qiray in amnigii gudaha uu faraha ka baxay, maalin kastana waxaa dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheysan, siduu qiray Khaliif Ciise Mudan oo hore u ahaa ganacsade dhowaana madaxweyne Faroole uu u magacaabay wasiirka amniga.
“Anagu wax dhibaato ah uma aragno, dadka leh Amisom waxay keeneysaa dhibaato waa kuwo NABADA DIIDAN” ayuu yiri wasiirka oo saadaaliyey in dadka reer Puntland ay raali ka noqon doonaan imaanshaha ciidamada ka socda Uganda iyo Burundi. Wuxuuna si kulul u dhaleeceeyey warbaahinta sheegewysa in Amisom ay maalin walba duqeyso shacabka reer Muqdisho isla markaana aysan kala jecleyn reer Muqdisho iyo reer Puntland.
“Ciidamada waxaan geyn doonaa meelo cayiman, waxaana qorshaha iyo maamulka yeelanaya dawlada Puntland” ayuu yiri Khaliif Ciise.
Sidee beelaha hubka looga dhigayaa?
Wasiirka amniga Puntland wuxuu sheegay in maamulku uu diyaarinayo qorshe ballaaran oo dadka hubka looga dhigayo, isagoo sheegay in cidii diida inay hubkeeda maamulka ku soo wareejiso si qasab ah looga qaadi doono.
“Maalin walba qabiilada ayaa isdagaala, waxaa dhaca falal amni daro waxaana waxaas sabab u ah hubkii oo dadku wada heysto, marka dawladu waxay bilaabaysaa hub ka dhigis” ayuu sii raaciyey wasiirka.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii madaxweyne Faroole oo hadal ka jeediyey magaalada London uu shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu weydiistay in Amisom ka caawiso sugida amniga ka dib markii ciidamada maamulku ay ku guuldareysteen wax ka qabashada amaanka dadweynihii ay masuuliyadooda qaadeen.
Waxaase dadweynuhu isweydiinayaan waxa ay qabanayaan ciidamada 10-kun ka badan lagu sheego ee dawlada mushaharka siiso mar haddii sugida amniga loogu yeeray Amisom.
RBC Source
Maakhir Media Gaalkacyo
