Faroole iyo wafdi Talyaaniya oo u hogaminayay oo soo gadhay Garowe iyo saxafadi oo loo diday Madaxtoyada +Sawiro
Maxadweynaha Dowlada PL Dr:cabdi raxmaan shiiq maxamuud faroole iyo Wafdi ka socda Wadanka Taliyaaniga ayaa siweyn lagu soo dhaweeyayGaroonka Diyaardaha ee magalada garoowe.
Madaxweynaha ayaa safar shaqo uga maqanaa dalka dibadiisa waxa uu soo maray wadamo badan oo ka tirsan Yurub lama sheegin waxa ay u yimaaden wafdigam Ka socda wadanka Taliyaniga.
kadib markii loo soo galbiyay dhanka madaxtooyada ayaa waxaa loo diiday inay galaan saxaafadu madaxtooyada iyadoo askartii ilaalinaysay ay u caga juglaysay inay galaan .
waxaa dhamaan saxaafadii goobta joogtay ay isaga soo yaaceen iyagoo soo laalabtay qalabkii ay ku shaqay nayeen taasi oo ay ku macneeyeen markii ay is hortaageen askar aan nidaamka garanayn .
Faroole ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyay wafdi Talyaaniha kuwaasi oo aan la garanayn waxyaalaha ay usocdeen taasi oo keentay in saxaafada loo diido in ay ogaaadan .
Maakhir Media Garowe
