|

Urur siyaasadeedka SSC oo Lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa

Hargaysa(MMedia) Xoghayihii  war faafinta iyo birmadka ee  maleeshiyadii  SSC    ee ka soo horjeeday  gooni  isu  taaga  Somaliland, gaar ahaana garabkii nabada qaatay Kayse Cabdi Yuusuf  ayaa maanta magaalada  Hargaysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo la magac  baxay  SSC.

Mr Kayse waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad baloaadhan oo  lagu qabtay hotelka Kaah ee magaalada Hargaysa, oo loo sameeyay sii daynta todoba  maxbuus oo ka mid ahaa  maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Kalshaale  kuwaasi oo uu dhawaan madaxwaynaha  Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo cafis u fidiyay.

Kayse Cabdi Yuusuf  oo  ah guddoomiyaha ururkan  waxa uu sheegay in urur  siyaasadeedkan cusub ee  SSC uu  meteli doono shacbiga gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari, waxaan uu  tilmaamay  in  ururkani uu noqon doono mid ka shaqeeya horumarinta deegaanadaasi, oo uu xusay in ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo la xidhiidha dhinaca nolosha dadka.

Md Kayse waxa uu u soo jeediyay jaaliyadaha ku dhaqan dalalka dibada ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Buuhoodle   ee hore ugu bixin jiray dhaqaalaha  hurinta colaada, in imika looga baahan yahay  in ay  ayidaan dimuqraadiyda  Somaliland  isla markaana  ay  taageeraan  urur siyaasadeedkan uu  ku dhawaaqay ee SSC.

Waxa kale oo uu sheegay in uu rejaynayo in urur siyaasadeedkani uu ka mid noqdo saddexda  urur ee ku guulaysta doorashada goleyaasha   deegaanka Somaliland ee u gudbi doona heer xisbi.

Dhinaca kale Kayse  waxa uu  madaxwaynaha  Somaliland uga mahad celiyay cafiskii uu u fidiyay maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii deegaanka Kalshaale ku dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyadii  nabad diidka ahayd ee SSC, waxaanu tilmaamay in arrintani  qayb ka ahayd  go’aamadii ka soo baxay shir nabadeedkii  ka qabsoomay degmada  Widh-widh ee gobolka Buuhoodle.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr.  Cabdi Aw Daahir Cali oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay  xafladii loo sameeyay maxaabiistaasi la sii daayay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in  maxaabiistan la sii daayo, waxaanu xusay in ay talaabadani qayb ka tahay siyaasada xukuumada ee ku waajahan xal u helida tabashooyinka beelaha Dhulbahante.

Dr.  Cabdi   Aw Daahir waxa uu sheegay in uu  soo dhawaynayo urur siyaasadeedkan cusub, waxaanu u rejeeyay   in urur siyaasadeedkaasi uu noqdo mid  meeqaam  sare ku yeesha  masraxa siyaasada Somaliland, waxaanu guddoomiyaha ururkan Kayse Cabdi Yuusuf u soo jeediyay in uu ka midho dhaliyo himilooyinka ururkan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md  Axmed   Xaabsade oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay colaadu wax faa’iido ah u lahayn bulshada, isaga oo xusay in uu si niyad sami ah u soo dhawaynayo  urur siyaasadeedkan cusub.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in xukuumada uu ka tirsan yahay ay ahmiyad wayn siinayso  nabad geliyada iyo wada jirka ummada Somaliland, waxaanu dadwaynaha ku dhaqan gobolada bari ee  dalk u soo jeediyay  in ay ka qayb qaataan horumarka deegaanadooda.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka Asluubta Maxamed Xiirane iyo lataliyaha madaxwaynaha ee gobolada bari  Md Fu’aad Aadan Cadde,  waxaanay dhamaantoodba soo dhaweeyeen urur siyaasadeedkan cusub.

Xafladani loo sameeyay maxaabiistani la sii daayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiir ku xigeenka Arrimaha Guddaha Cismaan Garaad Soofe, iyo guddoomiyaha xafiiska siyaasada, xadhiidhka goleyaasha iyo dadwaynaha, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan maleeshiyadii SSC garabka nabada qaatay.

Waa markii ugu horaysay  ee urur siyaasadeed  ay madax ka yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda  gobolada Sool iyo  Buuhoodle lagaga dhawaaqo caasimada Somaliland ee  Hargaysa, iyada oo ay  arrintani  tusaale fiican u noqonayso fur-furnaanta siyaasada  Somaliland iyo dimuqraadiyada iyo sinaanta shacabkeeda ee ka hana qaaday.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed