Madaxwaynaha Somaliland Axmed Silaanyo oo cafis u fidiyay Maxaabiis SSC ah
Munaasabad aad u balaadhan oo ahayd maxaabiis uu madaxwaynaha Somaliland cafis u fidiyaya kuwaasi oo laga qabtay deegaanka Ganbadhe ee Gobolka sool waxaan xaflada kazoo qayb galay wasiirka warfaafiiinta ,wasiirka Duulista hawada ,wasiiirka Xanaanada Xoolaha, saraakiisha ciidanka ,isimo iyo mid kamida hogaamiyaayashii hote ee SSC iyo todobadii xubnood ee maxaabiista ahaa .
Waxaan halkaasi hadlo kala duwan kazoo jeediyay madaxdii iyo isimadii kazoo qayb gashay shirka /iyadoo ugu horayn xaflada lagu bilaabay ayaadaha quraanka waxaana kadib loo guda galay furitaanka xaflada waxaana furay wasiirka xanaanada xoolaha oo ka hadlay ujeedad xafladani.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay isna Kayse cabdi yusuf oo kamdi ahaan Hogaamiyayaashii SSC waxaana uu aad usoo dhaweeyay cafiska uu madaxwaynuhu u fidyay todobadan xubnood ee manta la sii daayay .
Sidoo kale kaysa ayaa ku dhawaaqay isla goobta urur siyaasadeed cusub oo la magic baxay SSC kaasi oo kamid noqon doona asxaabta Somaliland ka jirdoonta .
Dhanka isimadana waxaa u hadlay Garaad Diiriye Maxamed oo isna aad usoo dhaweeyay cafiska madaxwaynah.
xafalada lagu sii daynayay maxaabiista ayaa waxaa sidoo kale isna ka hadlay lataliyaha madaxwaynaha Gobolada barie ee Somaliland Fu’aad Aadan cade .
goobta xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay todobadii xunood ee cafiska loo fidiyay iyadoo uu dhextaanknaa kayse cabdi yusuf oo kamid ahaa ururkii SSC maxaabiistana ayaa waxaa lagu booriyay in ay nabadi dhalatay intii ay xidhnaayeen iyadoo iyagana loogu baaqayn in ay nabada ilaaliyaaan.
Ugu danbaytii waxaa soo xidhay xaflada wasiirka warfaafinta Axmed cabdi xaabsade oo aad idna usoo dhaweeyay cafidka madaxwaynaha manta uu u fidiyay maxaabiistan.
Maxaabiistan manta lasii dayay ayaa laga soo qabtay deegaanka ganbadhe dagaal ka dhacay iyadooo ay mudooyinkan ku xidhnaayeen xabsi ku yaala Magaalada burco ee Gobolka togdheer iyadoo uu madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland u cafis u fidiyay.
Maakhir Media Hargaysa.
