Qadaafi oo aan la garanayn halka lagu aasay
Wararka ka imaanaya dalka liibiya ayaa sheegaya in la aasay Hogaamiyihi Hore ee dalkaasi Qadaafi iyadoo la sheegay in aan lagaranayn halka lagu aasay isaga iyo wiilkii dhalay ee Muctasim.
waxaana wararku intaasi ku darayaan in Xoogaga Qaranka Kumeel gaarka sarkaal u hadlay uu sheegay in qadaafi lagu dhex aasin xabaalaha dadka muslimka ah sida uu cayimay Hogaanka qaranka ayuu yidhi sarkaalkaasi.
Qadaafi oo maalintii lasoo dhaafay lagu dilay magaalada Sirta waxaan uu ilaa maanta oo la aasay uu ku jiray qaboojiye yaala meel hiilibka lagu iibiyo oo ku taala magaalada Masraata .
Qaramada midoobay ayaa iyana waxay ugu baaqday xoogaga mucaaradka in ay baadhayaan sidii uu qadaafi ku dhintay waxaa kaloo ay shegeen Haayadaaha u dooda xuquuqda aadamaha in qadaafi la dilay si xuna loola macaamilay maydkiisi waxaa kaloo ay sheegeen in ay ka shakisan yihiin sidii loo dilay iyadoo sidoo kalena daqiiqadiiihii uu noolaana lagu soo duubay muqaal ka turjumaya in si xun loola waday.
Maakhir Media Masraata.
