Dhisme cusub oo loo dhisi doono Haayada Socdaalka Somaaliland oo maanta uu dhagax dhigay W/Arimaha Gudaha Mr Duur
Wasiir ka arimaha gudaha ee Somaliland ayaa manta dhagax dhigay dhisme cusub oo yeelan doonto laanta socdaalka ee Somaliland,munaasibada dhagaxa lagu dhigayey xarunta ay yeelanayso laanta socdaalku waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland md.maxamed nuur caraale duur ,taliyaha laanta socdaalka md.dayib osmaan caalin iyo masuuliyiin kale.
Ugu horayn waxaa halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey taliyaha laanta socdaalka Somaliland dayib osmaan caalin isagoo sheegay in dhismahani ay yeelandoonto laanta socdaalka Somaliland oo intii ay jirtay xukuumadu ay ku jirtay Dhisme kira ah _
Waxaa isna halkaasi sidoo kale ka hadlay wasiirka arimaha gudaha Somaliland md.maxamed nuur caraale duur oo mahad naq balaadhan dawlada jaban oo maal galisay mashruuca dhismahan iyo sidoo kale hada caalamiga ee socaalka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IOM taasi oo gacan ka gaysatay hirgalinta dhismahan.
Dhismahan kii ah kii horeeyey ee ay yeelan doonaan hayada laanta socdaalka somalialand ayaa ka koobaan doona ilaa afar dabaq iyadoo ay markii hore ku jireen dhisme kiro ah iyadoo ay maal galinayso Dawlada wadankaasi jabaan waxaan Fulinaysa hayada socdaalka ee IOM .
Maakhir Media Hargaysa
