Qarax Bambaano ah oo lala beegsaday Goob lagu caweeyo oo Ku taala Nairobi Xalay
Inta laga wa qabo ugu yaraan waxaa ku dhaawac may 14uux qara xoogan oo kadhacay xalay badh tamaha magalada nairobi,kaasi oo walwalku abuuray dadkii hakaasi ka aagdhawaa.
Madaxa booliska ee magaalada Nairobi, Antony Kibuchi ayaa sheegay in baaritaanno dheeraad ah ay ku sameynayaan qaraxa iyo inuu la xiriiro hanjabaad maleeshiyada al-Shabaab ay sheegeen in ay ku bar-tilmaameedsanayaan gudaha Kenya.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in xilliga uu weerarka dhacayay uu xirnaa albaabka goobta lagu caweeyo, waxaana qofka weerarka fuliyay uu dalbaday in uu gudaha u galo ka hor intii aanu bambaanada ganin, isagoo weerarka kaddibna goobta ka baxsaday.
Dadka qaraxa ku dhaawacmay oo dhammaantood ahaa Kenyan sida uu sheega Aljazeera,dadkaasi ayaa la geeyay isbitaalka dowladda ee Kenyatta, waxaana 12 ka mid ah oo dhaawacyadooda ay sahlanaayeen laga soo saaray isbitaalka, halka labada kale xaaladooda laga deyrinayo, sidaa waxaa sheegay madaxa isbitaalka.
Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa sabtidii ka digtay weerarro argagixiso oo lala beegsado meelaha laga dukaameysto iyo goobaha lagu caweeyo ee gudaha Kenya, xilli ciidamadeeda ay ka gudbeen xadka Soomaaliya si ay u baacsadaan maleeshiyada al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen dad laga afduubtay Kenya.
al-Shabaab way iska fogeysay inay afduub ka geysatay gudaha Kenya, waxaana ay ku hanjabtay in weerarro ay kaga aargoosan doonto Kenya haddii aanay ka bixin gudaha Soomaaliya.
mohamed abdulahi khalif(shiine)
Maakhir Media Nayrobi
